|

Xubnihii Ikhwaanka ee ka tirsanaa Baarlamaanka Masar oo Dalbaday in Xukunka Dib loogu soo celiyo Madaxweyne Morsi

Qahira July 14,2013(SDN)-Xubno Baarlamaanka Dalka Masar uga tirsanaa Xisbiga Akhwaanka ayaa soo saaray qoraal ay ku dalbanayaan in xukunka dib loogu celiyo Madaxweyne Maxamed Morsi.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Baarlaanada Dunida ka dalbaday in aaney aqoonsan dawlada ciidanku xukunka xooga ku saareen ee Masar.

Ciidamada Masar ee Afganbiyay Madaxweyneha Masar ayaa sidoo kale Xildhibaanadii Ikhwaanka ka saaray Baarlamaanka dalkaasi.

Taageereyaasha Madaxweynihii xilka laga tuuray ayaa ilaa iyo haatan diimo la hortaagan Ciidamada iyo dawlada KMG ah ee talada la wareegtay.

Dawlada KMG ah ayaa qorsheyaal ay u dejisay dalka dardar gelisay oo mudeysay doorashooyin lix bilood guddahooda ku qabsooma.

Halka Ciidamada Xooga ee Masar ayaa weli qabqabanayaan madaxda sare ee xisbiga Ikhwaanka ee madaxweyne Morsi.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed