Xubin Miisaan Culus Ku Dhex Lahayd Xisbiga Waddani Oo Xilkii Iska Casishay iyo Sababaha Loo Aanaynayo
Hargeysa:Aug,28,2014(SDN/QJ)-Aqoonyahan Maxamed Cismaan Fadal oo ahaaXogahayihii arimaha dibadda ee Xisbiga WADDANI ayaa maalintii shalay iska casilay xilkii iyo Xubin-nimadii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo uu muddo dheer kasoo tirsanaa.
Cudur-daarka uu Diktoorku u sameeyey Iscasilaaddiisa, ayaa ku eg kaliya arrimo shakhsi oo uu ku tilmaamay sidii uu danihiisa ugu madax bannaanaan lahaa.
Dr Fadal ayaa qoraalka is casilaaddiisa ku sheegay inaanay jirin wax khilaf ah oo isaga iyo Hoggaanka xisbiga dhexyaallaa, balse uu doonayo inaan Hawlaha xisbigu Baylihin.
Tuhunno badan ayaa ku xeeran iscasilaada Dr Fadal oo caan ku ahaa mucaaridad gaamurtay oo ka dhan ah xukuumadda maddaxweyne Siilaanyo, waxana jira warar sheegaya inuu ku qancay Soo jeedimo madaxtooyada uga yimi oo la xidhiidh xilal dhawaan madaxweynuhu magacaabi doono.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Fadal uu xubin ka noqon doono isku shaandhayn dhawaan lagu samayn doono Golaha wasiirrada Somaliland, taas oo uu hab beeleed ku soo galay hannaanka isku-shaandhayntaas loo jaangooyey.
Maxamed Cismaan Fadal oo ay hore madaxweyne Siilaanyo Mucaarid usoo wada Ahaayeen, ayuu dhexdooda soo galay is fahan waa kala irdheeyey, waxase la tuhunsan yahay inuu dr Fadal haatan go’aansaday inuu ka faa’iidaysto Fursaddan uu ku heli karo Mansabka Siyaasadeed xilli uu dibadda ka yahay xayndaabka Dawladda Madaxweyne Siilaanyo.
Wali ma jiraan warar rasmi ah oo caddaynaya xilka Dr fadal Heli doono, waxase la filayaa in sababta uu isku casilay xilligan xaasaasiga ahi aanay ka yarayn xil wasiirnimo ama wax u dhigma.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu yaqaanaa inuu xubnaha uu calmado marka uu doono kala soo dhex baxo mucaaridkiisa, waxana uu hore xisbiga waddani ugala soo dhex baxay Wasiir Cali Waran-cadde oo xilli hor sheegay inuu Han Madaxweynenimo leeyahay.
SDN/QJ