|

Xubin Kamid Ahayd Golaha Wasiirrada Cusub Oo Iscasishay Iyo Wasaaradda Uu Ka Tegay

Muqdisho:Feb,07,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno Magaalada Muqdisho, waxa xilkii uu hayey iska casilay mid kamid ah Xubnihii Ra’isal wasaare Sharma’arke kusoo daray Golihiisa wasiirrada Cusub.

kulmoo Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi(cabdiraxmaan dheere) oo loo magacaabay Wasiir-ku-xigeenka labaad ee Wasaaradda Gaashaandhiggga, ayaa noqday Xubintii ugu horraysay ee xilkaas iska casisha sida aanu wararka ku Hayno.

Cabdiraxmaan Kulmiye ayaa sheegay inaanu ku qanacsanayn inuu noqdo Wasiir ku xigeenka labaad ee wasaaradda Gaanshaandhigga, wuxuu kamid ahaa 66 Xubnood oo lagu shaaciyay shir jaraaid oo Masuuliyiinta Xafiiska Raiisul wasaauruhu ay qabteen Habeenimadii Jimcaha ee toodbaadkan.

Cabdiraxmaan Dheere hore ayuu u soo noqday Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadii Cabdulqaadir Faarax Shirdoon Otober 2012 illaa December 2013 sidaas oo kale waa Mudane katirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Tan iyo markii la shaaciyay habeen hore Golaha xukuumadda Soomaaliya ayaa la is weydiinayay sababta keentay in wasaaradda Gaashaandhigu ay yeelato Wasiir, Wasiir dowle iyo laba Wasiir ku xigeen, iyadoo loo arkayay in wasaaradda la culaysiyay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed