Xubin ka tirsan xildhibaanada cusub ee Deegaanka Hargeysa oo toogasho ku dilay qof shicib ah
Hargeysa May, 29 2013 (SDN)- Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo ka mid ah xubnaha cusub ee golaha Deegaanka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa xalay toogasho ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Rashiid Aaden.
Siday sheegeen wararka naga soo gaadhay dhacdadaas, dilku wuxuu dhacay niskii dambe ee xalay, iyadoo ay haatan baadhitaankiisa gacanta ku hayaan ciidamada amaanka ee Somaliland.
Ilaa hadda ma cadda sababta keentay dilkaas uu xildhibaanku u geystay qofka shicibka ah.
Warku wuxuu intaa ku daray, in xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir iyo qofka marxuumka ah ee uu dilka u geystay ay isku deegaan ka soo wada jeedaan, isla markaana uu dilkiisa u adeegsaday Bastoolad uu haystay.
Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir wuxuu ka mid ahaa xubnihii urur-siyaasadeedkii Umadda uga soo baxay golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa, gaar ahaan degmada Gacan-Libaax ee bariga magaalada.
Sida la sheegay, xilli hore oo saaka ah ayaa xildhibaanka lagu xidhay saldhiga Booliska ee xaafadda New Hargeysa ee degmada Gacan-libaax, iyadoo uu ilaa haatan xidhan yahay, kiiskiisana la baadhayo.
Qurbejoog.com, Hargeysa