|

Xubin Ka Tirsan Guddida Dhaqaalaha Oo Sheegay Inay Gaadiidka Biyaha Keena Ka Dhaafi Doonaan Cashuurta Muranka Keentay Ee Takaaliifta

Hargeysa:29-Dec-2013 (SDN)-Xildhibaan Cabdiqaadir Askar oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku Baaqay in Guud ahaanba laga Dhaafo Lacagta Cashuurta ah Gaadiidka Biyaha u dhaamiya Caasimadda Hargeysa.

askarGuddoomiye-ku-xigeenkan oo maalintii shalay u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa si cad u sheegay inay Guddi ahaan ka dhaafi doonaan cashuurtaas muranka keentay, maadaama ay arrintaasi keentay muran iyo kacdoon dadweyne oo xad-dhaaf ah,”Kadib markii aanu aragnay cabashadda booyadleyda ee magaalada Hargeysa saddexdii maalmood ee u dambeeyey iyo baahida biyo la’aanta ee foodsaartay shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa”. Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Askar.

Xildhibaan Cabdiqaadir ayaa intaas sii raaciyey inay Dib u eegis ku samayn doonaa Xeerka ay hore u ansaxiyeen ee Takaaliifta si meesha looga saaro culayska Nololeed ee uu keenay, waxana uu yidhi, “”Waxaanu wax ka bedel iyo dib u eegis ku samaynaynaa xeerkii baarlamaanka ansixiyey Takaarifta cashuuraha waddooyinka, annaga oo gabi ahaanba ka saarayna cashuurihii uu xeerkani ku waajibiyey booyadaha biyaha dhaamiya ee dalka oo dhan”.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale  xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay xil weyn iska saarto Biyo Gelinta Caasimadda, maadaama dhibka ugu weyn ee jiraa yahay Biyo la’aan baahsan.

Hadalkan xildhibaanka ayaa ka dambeeyey Mudaharaad dhaawac iyo dhimasho keenay oo ka dhacay Degmooyin ka mid ah Hargeysa, iyadoo wali ay taagan tahay cabashada Gaadiidleyda Biyaha dhaamiya ee la xidhiidha Cashuurta xeerka dhawaan la ansixiyey uu dusha ka saaray.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed