|

Xubin Hore uga Tirsanayd Golaha Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Labaad Maxkamad Lasoo Taagay shalay

Hargeysa:Sep,16,2014(SDN/QJ)-Wasiir-ku-xigeenkii hore ee amniga wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Abokor, ayaa shalay mar labaad la hor keenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyadoo lagu eedaynayo Kiisas la xidhiidha dhinaca warar sir ah oo uu saxaafadda siiyey.

ina abokorpoCabdilaahi Abokor ayaa hore loo horgeeyey Maxkamadda, balse ilaa iyo Haatan lama sheegin wac dembi cad oo lagu hayo, isla-markaana waxa la diiday in xataa Damaanad lagu sii daayo.

Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ahaa Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, hase-yeeshee, waxa markii xilka laga qaaday ka dib uu Bishii May 2014-ka  shaaciyey in Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyoku jiraan Shaqsiyaad xidhiidh la leh Urur-diimeedyo uu ka mid yahay kooxda xag-jirka loo aqoonsanyahay ee Al-Shabaab, isagoo xubnaha uu eeddaas u xambaariyay ku tilmaamay cidda maamulaysa shir-qoolka Xisbiga markaa khilaafku kala qaybiyey ee KULMIYE lagu bur-burinayo ee dabada dheeraaday, waxaanu markaas ka mid ah Garabka uu Guddoomiyaha Xisbigaasi hoggaaminayo.

Masuulkan hore Xukuumadda Siilaanyo uga tirsanaa ee xabsiga ku jiray dhowrkii u dambeeyay ayaa shalay markii labaad la horkeenay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex,halkaasoo ay si rasmiya uga bilaabantay dhegeysiga Kiiska lagu oogayaa.

Waxa siday markii Maxkamadda la keenay saddex gaadhi oo midkood nooca Maxaabiista lagu qaado ee qulan oo Dhayne ah uu yahay iyo labada kalena waxay ahaayeen Xaajiyadaha dheereeya ee RRU-da oo siday kolanyo ciidan ah oo aad u foojigan.

Dad kooban ayaa loo ogolaaday inay dhegeystayaal ka noqdaan dacwada oo furantay  markii ugu horaysay, kaddib markii todobaadkii hore fadhigeedii u horeeyay baaqday.

Siyaasiga Axmed Xasan Cali (Like) oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-galay dhegeysiga Kiiskan ayaa ka waramay sidii ay dacwadu ku bilaabantay, waxaanu sheegay in la dhegeystay Markhaatiyeyaal lid ku ah oo ay saraakiil ciidan ku jiraan

“walaalo waxay ahayd maalintii labaad oo waatii maalintii hore baaqatay markaa waxay maxkamadu ahayd meel ciidan oo meeshaba waxa haystay askar milatari ah oo maalintii hore qudheeda waxa la keenay oo yimi saraakiil iyo janaraalo sita darajadoodi oo ka markhaati furay maxkamadda” ayuu sheegay Axmed-like.

Siyaasigan oo sharaxaad dheeraad ah ka sii bixiyay siday dacwadu ku soo gabagabowday iyo rejada laga sugi karo, waxaanu hoosta ka xariiqay in dacwadaas laga maamulayo aqalka madaxtooyada, go’aan kasta oo lagu soo gabagabeeyana uu noqon doono mid laga soo jaangooyay xafiiska qaranka laga maamulo.

“Askar uu sarkaalkoodu leeyahay sidaa iyo sidaa dheh oo taliyayashoodi ku xeeranyihiin hasa ahaatee waxa maxkamdda fadhiyey oo hogaaminaayey nin xaakin ah oo runtii ah qof aad u wanaagsan Looyar fiicannah waanu haysanay oo daacad ah,laakiinse meeshu waa maxkamad ciidan oo kolay Amarkeeda,qorshaheeda iyo balaynkeedu iska diyaar sanyahay waana wax iska cad oo loogu tala galay in la yeedhiyo uun markaa wax rajo ahi kama muuqdo,sababtoo ah waxa laga xukumayaa oo laga maamulayaa waa meesha dalka laga xukumo markaa waanu iskaga quusanaynaa oo meeshaanu tag tagaynaa” ayuu u sheegay warbaahinta.

Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa laga doonayaa inuu Maxkamadda ka caddeeyo eeddeymaha qarada wayn ee uu xukuumadda siilaanyo u jeediyay, siiba waxa cadddeyntooda laga doonayaa wasiirrada uu farta ku goday ee argagixisada ka tirsan, taasoo ah arrin ay aad u culustahay caddeynteeda iyo aqbalaada kuwa lagu caddeeyaaba.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed