Xooghayaha Joogtada Ah ee Xafiiska Raiisul wasaaraha oo maanta xilkii
Mogadisho, 21, Oct, 2012(SDN)Agaasimhii hore ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane:Cabdishakur Maxamud Climi ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Xooghayaha Joogtada ah ee dhawaan loo magacaabay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dr. Faarax Cabdi Xassan waxaana xil wareejintaas goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha, Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon, Wasiiru Dowlaha XRW Dr. Cali Nuur Ducaale, Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Mudane: Cali Maxamuud Ibraahim ( Cali Dheere) iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ugu horayntii Wasiiru Dowlaha XRW ayaa warbixin kooban ka bixiyey habka ay u socoto shaqada Xafiisku isagoona sheegay in shaqaalaha xafiisku ay ku shaqeeyaan duruufo adag isla markaan har iyo habeen u taagan yihiin sidii ay u dabooli lahaayeen baahida ka jirta xafiiska, balse hadii loo gudbay dowlad Rasmi waxaa lagama maarmaan ah in la dar dargaliyo howlihii ka socday xafiiska Ra’iisul wasaaraha sababtoo ah waa muraayada xafiisyada kale ee Dowladda.
Dhanka kale Agaasimihii hore ee Xafiiska ayaa sheegay inuu ku shaqaynayey duruufo adag isaga iyo shaqaalaha xili ay dowlada haysatay dhaqaalo xumo ba’an iyadoo aysan suurta gal ahayn inay helaan bil kasta xuquudooda mushaari, sidaas daraadeed qof kasta waa dareemi kar shaqaale aan mushaar qaadan dhibka lagala kulmi karo, wuxuuna u rajeeyey Xooghayaha Joogtada ah ee Xilka kala wareegaya in Ilaahay la garab galo howsha culus oo sugaysa.
Sidoo kale Xooghayaha Joogtada ah ee xilka la wareegay Dr. Farax Cabdi Xassan oo ahaan jiray Agaasimaha Waaxda Gar-garka Bani’adantinimada ee XRW ayaa dhankiis qiray inuu wax badan ka og yahay sida ay u socdaan howlaha xafiiska iyo dhibaatooyinka qalafsan ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha, wuxuuna xusay in waxbadan uu ka qaban doono arimaha shaqaalaha iyo sidii loo hormarin lahaa xafiiska
Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa shaqaalaha mid mid isu barteen isagoona ku amaanay sida sharafta leh oo ay u soo shaqeeyeen wuxuuna ku booriyey inay sii labo jibaaraan shaqadooda isla markaana uu mudnaanta koowaad sii doono sidii shaqaalaha dowlada ay u heli lahaayeen xuquudooda bil kasta.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com