Xogyahihii Hore Ee Ururka SOLJA Oo U Geeriyooday Dhaawac Kasoo Gaadhay Shil Baabuur Oo Uu Galay
Nairobi:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Allah ha u naxariistii waxa saaka aroortii hore geeriyooday Xogyahihii guud ee Hore ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Maxamed Faarax oo maalintii shamiistii shil gaadhi ku galay Waddada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa.
Sida ay xaqiijiyeen qaarka mid ah Ehellada iyo saaxiibadda Marxuumka, ayaa saaka ku naf baxay Cisbitaal Nairobi ku yaalla, ka hor intii aan lagu samaynin qalliin loo diyaariyey.
Marxuumka, ayaa lagu wadaa in dhawaan Meydkiisa la keeno Magaalada Hargeysa si loo aaso, maalmaha soo socda.
Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa ahaa haldoor ay ku dhaataan Bahda Saxaafadda Madaxa Bannaani, waxana uu door muhiim ah kasoo ciyaaray sidii la iskaga dulqaadi lahaa Heeryada xukuumaddu ku bahdilayso saxaafadda Madaxa Bannaan ee Dalka, iyadoo geeridiisa waxyar ka hor uu kala jab xukuumaddu masuul ka tahay ku yimi Ururka Solja oo uu muddo Xoghaye Guud ka ahaa.
Eebe ha u naxariisto, marxuumka waxa tacsi tiiraanyo leh u diraya Bahda Qurbejoog.com, waxana ay ilaahay uga rajaynayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com