Xogtii ugu muhiimsaneyd baadi-goobka Duyuuradii Malaysia Airlines MH370 oo la shaaciyay
Perth April O7,2014(SDN)-Madaxa baaritaanada duyuurad mudo bil haatan la baaadi goobayay oo laga leeyahay dalka Malaysia ayaa haatan markii u horeysay shaaciyay xog muhiima oo muujineysa in duyuuradaasi ku dhacday badweynta India.
Angus Houston oo ah madaxa dedaalada lagu baadi goobayo Duyuurada Air Malaysia duulimaadkeedii MH370 ayaa sheegay in shalay markab China laga leeyahay uu markii u horeysay maqlay dhawaaq la mida kuwa ay bixiyaan qalabka emergency ga ee duyuuradaasi saran.
Hadana maraakiib laga leeyahay Mareykanka ayaa sidoo kale iyaguna manta maqlay dhawaaqyadaa oo ah qaar ka iminaya badda hoosteeda loona baahan yahay in baadi goob balaaran la bilaabo.
“Waxa manta aan idiin hayaa xogtii uGu muhiimsaneyd intii baadigoobka la bilaabay,waxa dhawaaqa Black box ka la maqlay manta laba jeer oo kal duwa,waxaana l dhegeystay mudo mar 2 sacaadood ah mar kalena la maq 13 daqiiqadood”ayuu yiri Angus Houston.
Baadigoobka ayaa socdau mudo aad u dheer oo 31 maalmood ah iyada oo lala fajacsanaa sida duyuurad nooceedu yahay 777 ay mar uun la waayo meel ay ku danbeysay.
SDN-Perth