|

Xogta waxa kasoo baxay wada-hadalka xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland

Hargeysa (Qurbejoog)- Magaalada Hargeysa waxa maanta ka dhacay wejiga labaad ee wada hadalo u dhexeeya xukuumada Somaliland iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye oo dhinac ah iyo mucaaradka Somaliland oo dhan ah iyaguna, waxayna ka wada hadlayeen arimaha doorashooyinka.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo dhinacyadu ay is dhaafsadeen hadalo xanaf leh oo kulul sida uu Qurbejoog ku helay xogta kulanka oo ilo kala duwan uu ka helay, iyadoo dhinacyada ay dajiyeen ergada kale ee miiska fadhiday oo ay ka mid ahaayeen labada gudoomiye ee Baarlamanka Somaliland, gudoomiyaha guurtida iyo gudoomiyaha wakiilada.

Waxa ay dhinacyadu isla qaateen in shir guddoonka wada hadalada lagu wareejiyo labada gudoomiye ee Guurtida iyo Wakiilada oo ay sii anba qaadaan kulamada danbe, dhinacyaduna ay berri soo diyaarsadaan doodahooda sharci iyo kuwa kalaba isla markaana lasii wado wada hadalka.

Xisbi waliba wuxuu keenaya saddex xubnood oo ka socda iyaga iyo labada gudoomiye ee Wakiilada iyo Guurtida.

Maalinta berri ah ayaa lagu ballamay in uu qabsoomo wejiga saddexaad ee wada hadalada xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland, si loo sii lafo guro arimaha la isku diidan yahay oo kow ay ka tahay goorta la qabanayo doorashada ururada siyaasadeed.

Comments are closed