Xogta natiijada wejiga saddexaad ee wada-hadalka mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland
Hargeysa (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa maanta lagu gebagebeeyay wejiga saddexaad ee wada hadalka u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka dalka, kaas oo lagaga arinsanayo khilaafka doorashooyinka.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa sidan lagu yidhi:
“Waxa sidii ballankii shalay ahaa si rasmi ah qasriga madaxtooyada uga bilawday wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI. Shirkaasi oo ku furmay jawi wanaagsan, goob-joogna ay ka ahaayeen labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Waxaana shirka furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxeyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi qaran, intaa ka dib waxa dhinac-walbaaba uu soo jeediyey doodda uu qabo, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha Qaranka, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeenku.
Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo ka kala socda saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.”
MAXAA XOG AH EE QURBEJOOG HELAY
Warbaahinta Qurbejoog waxay ogaatay in kulanka maanta uu ahaa mid aan wax badan kaga duwanayn kulamadii hore ee la isku fahmi waayay iyadoo madaxweynaha Somaliland aanu marna muujin wax dabacsanaan ah ee uu ku taagnaa mawqifyadiisa hore, waxaana jira saluug ay qabaan mucaaradku.
Saraakiil ka tirsan mucaaradka Somaliland oo la hadlay Qurbejoog waxay rejo-xumo ka muujiyeen wada hadalada socda oo ay ku tilmaameen “kuwo wakhti-lumis ah oo aanay waxa kasoo naasa caddayn”, iyagoo intaa ku daray in ay sugayaan natiijada ugu danbaysa. Waxay saluugeen sidoo kale in wada hadalka laga saaro salaadiinta oo kaliya lagu reebo laba gudoomiye ee Baarlamanka.
Maalinta berri ah ayay dhinacyadu mar kale ballameen iyadoo Khamiista uu kulan kale dhici doono kaas oo la filayo in arinta ururada aad looga doodo.