Xogta Muuse Biixi oo ka qoomamoonaya weli in shirkii Dalwanaaje uu qabsoomo
Hargeysa. 4 Novembeer, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa weli ka qoomamoonaya in xukuumadiisu ay ogolaato shirkii Dalwanaaje ee beelwaynta Garxajis ay ku qabsatay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo laga soo saaray go’aano ka dhan ah xukuumadiisa.
Muuse Biixi ayaa u sheegay gacan yarayaashiisa in aanu aqbaleen shirkaas hadii uu ogyahay waxa kasoo baxaya, isagoo xusay in uu ku qaldamay ee ay ahayd in uu awood isku hor taago.
Waxa xusid mudan, in siyaasiga Ambassador Cawil (Xuseen Cali Ducaale) uu madaxweynaha markii hore kula taliyay in uu joojiyo shirka o aanu aqbalin, balse uu Muuse yidhi “ha qabsadaan shrika ee aynu eegno waxa kasoo baxa”.
Kadib go’aanadu amrkii ay soo baxeen, wuxuu Muuse Biixi sheegay in uu il duufay talada Cawil ee ay ahayd in uu aqbalo oo uu shirkaas joojiyo maadaama go’aanada kasoo baxay ay caqabad wayn ku noqdeen damaciisa doorashada ururada oo uu weli ku taagan yahay.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu weli doonayaa in uu qabto doorashada ururada balse arintaas ayaa laga cabsi qabaa in dagaalo sokeeye ay Somaliland u horseedo.