|

Xogta masuuliyiintii mucaaradka laga xidhay oo Hargeysa laga qaaday iyo meesha la geeyay

Hargeysa. 10 August, 2022 (QJ)- Masuuliyiintii iyo madaxdii kale duwanaa ee laga xidhay xisbiga Waddani ayaa laga qaaday saldhigyada Hargeysa iyadoo laga fogeeyay qoysaskooda.

Dadka la xidhay ayaa la geeyay gobolka Awdal iyadoo lagu xidhay saldhigyo halkaas ku yaala, lamana oga ujeedada xukuumadda Muuse Biixi ka leedahay.

Dada xidhan ayaa kala ah:

1. Xoghaye Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase- Xoghayaha Ciyaaraha & Dhalinyarada ee Xisbiga WADDANI.

2. Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI Mudane Mawliid Kayse Muxummad.

3. Mudane Xassan Cabdi Maxamed Dugulo, Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI ahaana Murashax Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex.

4. Mudane Mukhtaar Yuusuf Axmed (Mingiste)- Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI.

5. Mudane Yuusuf Cali Cismaan, Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI.

Qurbejoog waxay la hadashay garyaqaanada xadhiga sida dhow ula socday, waxayna noo sheegeen in ay sharci darro tahay in maxkamadaynta iyo dacwadda oo Hargeysa ka socota hadana dadkaa loo qaado gobolka galbeedka Somaliland dhaca ee Awdal.

Sababta loo xidhay masuuliyiinta ayaa ahayd abaabulka dibad baxyada, balse xukuumadda ayaa aqbashay maanta dibad baxaas.

Comments are closed