Xogta maayir Mooge oo la filayo in uu xisbiga Kulmiye ku biiro
Hargeysa 3 September, 2022 (QJ)- Maayirka magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa la filayaa in uu ku biiro xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, sida ay sheegayaan xogo kala duwan oo Qurbejoog ka helay ilo lagu kalsoonaan karo.
Xogtan ayaa ah mid tilmaamaysa in maayirku Kulmiye ku biiri doono inta lagu jiro Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo dhacaya labada bilood ee soo socda waa October ama November hadii aanu qorshuhu is bedelin.
Cabdikariim Axmed Mooge ayaa kasoo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyada oo murashaxa xisbigaasi Cabdiraxmaan Cirro uu abaal siyaasi ah u galay una ogolaaday Mooge in uu Waddani iska sharaxo isaga oon wadan odayaasha beeshiisa, balse lama oga meesha uu abaalkaas kaga tagayo maayir Mooge.
Xogta uu Qurbejoog helay waxay tilmaamaysaa in Mooge laga dhigayo mid ka mid ah gudoomiye ku xigeenada xisbiga Kulmiye iyo in uu xisbiga ku abtirsado isla markaana loo damaanad qaado jagada maayirnimo, inkasta oo aan la ogayn sida uu Mooge isu waafajin doono xilka Kulmiye iyo maayirnimada uu hayo.
Maalmihii lasoo dhaafay waxa soo badanaya mucaaradada uu maayir Mooge kala kulmayo asxaabta mucaaradka ah oo abaal u galay iyaga oo ka raba in uu afkaaraha mucaaradka qaato ama ka daayo aragtiyaha ku lidka ah.
Arintan ayaa hadii ay rumawdo god ku ridaysa han kasta oo uu lahaa maayir Mooge kana sareeya xilka maayirnimo iyada oo sido kale keenaysa in ay kala dhintaan dadka deegaankiisa oo wakhtigan ah mucaarad kursiga dalka ugu sareeya ku socda.