Xogta liiska qawmu-luudka lagu eedeeyay ee gudaha Somaliland
Hargeysa. 17 November, 2022. (QJ)- Gudaha Somaliland waxa maalmihii lasoo dhaafay sii kordhaya eedaymaha ku aadan rag loo haysto kiisas ah qawmu luud ama in ay u tageen rag kale, arintaas oo bulshada kusii dhex faafaysa.
Dad badan ayaa ku baraarugay saxafiyiin arintan wax ka qoray iyo dad isku eedeyay 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay kuwaas oo baraha bulshada la wareejinayay.
Qurbejoog ayaa hadaba raadisay xogta saxd aah ee arintan, iyadoo aanu ogaanay xogo sugan iyo eedaymo aanaan weli xaqiijin karin balse ay laamaha ammaanku noo sheegeen in ay ku daba jiraan.
Inta la ogyahay, kiisaskan waxa loo xidhay masuuliyiin ka tirsan urruka KAAH ee uu hogaamiyo siyaasi Maxamuud Xaashi iyadoo cadaymo loo hayo sida Qurbejoog ay u sheegeen xeer ilaalinta Somaliland iyo saraakiisha dambi baadhitsa oo ka agabsaday in magacooda la xuso.
Sidoo kale, dadka lagu tuhmayo kiisaskan waxa ku jira xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somaliland balse laamaha ammaanka ayaa ku daba jira kiiskooda, iyadoo xasaanada ay haystaan ay qayb ka qaadanayso gaabiska kiisaska dul hoganaya.
Arintan ayay Qurbejoog si madax banaan u xaqiijisay in ay jirto iyadoo ay jiraan xogo kale oo ashkhaasta loo xidhay ku aadan balse weli aanu ka war sugayno maxkamadayntooda oo socota oo aan weli dhammaan.
Kiisaska raga wax ka daya ragga kale ayaa lagu yaqaanay wadamada Reer Galbeedka, balse gudaha Somaliland oo lagu arkay ayay dad abdan amakaag ku noqotay halka kuwo badani ay rumaysan la’yihiin illaa hadda.