|

Xogta khilaaf ballaadhan oo weli ka dhexeeya Muuse Biixi iyo M.Kaahin

Hargeysa. 2 December, 2022. (QJ)- Muddooyinkii ugu danbeeyay waxa soo baxayay wararka sheegaya in uu jiro khilaaf ballaadhan oo u dhexeeya Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, kaas oo salka ku haya arimo uu saluugsan yahay Maxamed Kaahin.

Warbaahinta Qurbejoog ayaa ogaatay xaqiiqada khilaafkan iyadoo uu jiro saluug ay qabaan Maxamed Kaahin iyo Cabdicasiis Samaale, balse Muuse Biixi uu dhegaha ka furaystay isla markaana doonayo tiisa oo socota oo kaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii odayaal Reer Daahir ah oo Beesha Maxamed Kaahin ahi ay Muuse u tageen isla markaana waydiiyeen “madaxweyne waxaad caydhisay Maxamuud Xaashi, waxaad dagaal kula jirtaa Xirsi, Maxamed Kaahinna waxba kumaad wareejin! Maxaad wax nagaga rabtaa?” Muuse Biixi ayaan ka jawaabin hadalka odayaasha.

Qorshaha Biixi ayaa lagu sheegay in uu yahay mid aan u danaynayn Maxamed Kaahin iyo Cabdicasiis Samaale, iyadoo xataa ay jiraan wararka sheegaya suurtagalnimada in uu murashaxa Kulmiye siiyo beesha Ciidagale ee Garxajis.

Maxamed Kaahin ayaa doonaya in doorashada ururada la iska daayo, hadii murashaxnimada uu ka tanaasulayo Muuse na uu isagu noqdo murashax. Bishii ugu danbaysay ayaa la arkayay isagoo aan iman xafiiska marka laga reebo maalmo kooban, isla markaana aan tegin shirarka Kulmiye.

Comments are closed