Xogta isku-shaandhayn uu samaynayo Muuse Biixi
Hargeysa. 5 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa samaynaya isku-shaandhayntii ugu ballaadhnayd ee uu soo saaro mudadii shanta sanno ee Somaliland uu u ariminayay.
Muuse Biixi ayaan looga baran shantii sanno ee uu joogay in uu sameeyo isku shaandhayno culus, iyadoo wax ka badal yar uu samayn jiray.
Markan, Biixi waxa jira arimo ku riixaya in uu sameeyo isku shaandhayn wayn kadib muddo kordhinta uu ka helay Golaha Guurtida.
Wasiirada la saadaalinayo in ay kuraasta baneeyaan waxa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Tiknoolajiyadda iyo xubno kale oo Golaha Wasiirada ka mid ah.
Masuuliyiintu waa laba dhinac; qaar la eryayo oo xilka laga qaadayo iyo qaar la gaynayo xisbiga Kulmiye hogaankiisa.
Wasiirada hogaanka Kulmiye isu diyaarinaya waxa ka mid ah Maxamed Kaahin iyo Saleebaan Cali Koore, halka Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Tiknoolajiyadda la caydhinayo iyaga.
Dadka wax falanqeeya ayaa qaba in isku shaandhaynta Muuse Biixi aanay wakhtigan wax miisaan ah ku kordhinahay xukuumadiisa, bale laga yaabo in beesha Jibriil Abokor ay saluugto masuulka loogu badalayo Wasiirka Tiknoolajiyadda.