Xogta cidda la siiyay mashruuca baasaaboorka Soomaaliya ee Somaliland
Hargeysa. 18 October, 2022. (QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan xayirtay hadana dib u fasaxday baasaaboorka Soomaaliya ee laga qaato gudaha Somaliland, kaas oo xafiis rasmi ah laga bixiyo baasaaboorkaas.
Hadaba sida ay wax u jireen ayaa ah mid aanay dad abdani ogsoonayn oo weli qorshahaasi uu dhaqan gal yahay inkasta oo war aan sax ahayn la gaadhsiiyay bulshada.
Mashruuca baasaaboorkan lagu keenay gudaha Somaliland waxa horeba u haystay nin ay isku qoys yihiin madaxweynaha Somaliland, kaas oo sanado ka macaashayay lacago badan. Baasaaboorka ayaa qiimuhiisu yahay lacag ka yar $150 marka aad Muqdisho joogto ama Garoowe, balse Hargeysa waxa lagaa qaadayaa $300, taas oo badi shacabku ay ka qaataan Hargeysa maadaama ay dhibsanayaan safarka dheer ee Garoowe oo ah meesha ugu dhow ee laga qaadan karo.
Qurbejoog waxay ogaatay in wiilka Muuse Biixi dhalay iyo gabadh kale oo qoraa ah la siinayay mashruuca marka la xayiray xafiiska, iyadoo labadoodaas uu ku ekaanayo. Waxa jirta in gabadha wiilka madaxweynaha wehelisa ay tahay isla qoyska Muuse Biixi, horena ay xildhibaan uga wayday doorashadii dhawayd ee Soomaaliya.
Qoyska madaxweynaha Somaliland ayaa xidhay mashaariic badan oo dalka ka socotay kadibna iyagu furtay, waxaana jira kuwo kale oo ay saamiyo qasab ah ku leeyihiin.
Dadka wax falanqeeya ayaa aaminsan in dhaqankan uu qoyska Muuse Biixi kala yimi dalka Jabuuti oo uu raacayo wadaada qoyska Ismaaciil Cumar Geele oo ciidamada iyo dhaqaalaha dalkaas gacanta ku haya.