|

Xogta baadhitaano xoogan oo ka socda gudaha Somaliland iyo cabsida jirta

Hargeysa. 12 September, 2022. (QJ)- Gudaha Somaliland waxa sii kordhaya baadhitaanada ciidamada kala duwan ee amnigu ay samaynayaan iyo hubinta gaadiidka iskaga kala gooshaya gudaha gobolada Somaliland iyo kuwa kasoo gala deegaanada xadka ee Somaliland ay la wadaagto wadamada jaarka la ah, gaar ahaan Soomaaliya iyo xadka dheer ee Itoobiya.

Qurbejoog ayaa heshay xogta baadhitaanadan iyadoo gobolka Sanaag oo kale si aad ah loo baadho wixii galaya iyo waxa ka baxaya oo xataa dadka saacado abdan ay qaadato in la xaqiijiyo waxa ay u socdaan. Ciidamada Booliska ayaa diwaan galinaya dadka aan deegaanka ahayn iyadoo la waydiinayo ujeedada ay u socdaan.

Dhanka kale, gaadiidka leh walaxda qarisa gudaha gaadhiga waxa ku jira ama beersoosha loo yaqaano ayaa laga jarayaa marka ay ku safrayaan baraha baadhitaan ee u dhexeeya magaalooyinka Somaliland, si gaar ahna waxay ugu badantahay inta u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Inkasta oo ay badan yihiin baraha koontarool ama goobaha lagu hubiyo gawaadhida ee labadaas magaalo hadana tirada lagu eegayo beersoosha gaadhiga ee lagaa jarayo ayaa ah illaa 5 bar-koontarool ama checkpoint, iyadoo ay adagtahay in aad ka gudubto iyada oo aan lagaa jarin beersoosha gaadhiga. Gawaadhida ka imanaysa dhanka bari ee Somaliland ayay ku xoogan yihiin baadhitaanada iyo in amarkaas lagu fuliyo.

Sababta ugu wayn ee arintan loo samaynayo oo Qurbejoog ay daba gal ku samaysay ayaan ku ogaanay in ay tahay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga cabsi qabo gudaha Somaliland iyo in magaalooyinka loo kala talaaniyo hubka aan weli ka bixin gacanta shacabka wixii ka danbeeyay axdigii beelaha ee sanadkii 1994, markaas oo badi hubka ay wareejiyeen beelaha degan Somaliland gaar ahaan gobolada galbeedka oo aan uga jeedno wixii galbeed uga rogan magaalada Burco.

Xiisada ka dhlatay doorashooyinka Somaliland ayaa cirka isku shareeraysa iyadoo la sugayo oo kaliya go’aanada qadhaadh ee mucaaradka, xili xukuumadda iyo madaxweyne Muuse Biixi mawqifkooda cadeeyeen.

Comments are closed