|

Xogo Iftiimiyey Magaca Ninkii Soo Abaabulay Weerarka Jaamacadda Gaarisa Oo Soo Baxay Iyo Kenya Oo Wali Shoogsan

Garisa:April,02,2015(SDN/QJ)-Waxa soo baxaya warar sheegaya in la aqoonsaday maskadii ka dambaysay weerarka wali socda ee lagu qaaday Jaamacadda Garisa, kaas oo keenay dhimashada Arday, Macallimiin ciidan iyo dadka oo tiro badan.

kuunoXogo laga helay ciidamada ammaanka Kenya, ayaa sheegay In Maxamed Kuno oo hore macallin iyo maamule uga  ahaan jirey Machadka Najah ee Magaalada Garisa, ayaa sheegay inuu ahaa maskaxda ka dambaysa weerarkii xalay lagu qaaday Jaamacadda Garisa.

Maxamed Kuno ayaa dhawaan madaxiisa la duldhigay lacag dhan shan million oo shilinka Kenya ah, waxana uu dhuumasho ku jirey ilaa iyo bishii December ee Sanadkii tegay.

Maxamed Kuno ayaa caddaystay inuu kamid yahay hoggaamiye Al-shabaab ah, waxana hore loogu xidhiidhiyey dilka 58-qof oo  hore loogu laayey Deegaanka Mandhera.

Maxamed Kuno, ayaa la sheegayaa inuu leeyahay Laba saaxiib oo Hawlahiisa la wadaaga, kuwaas oo kala ah  Sheikh Mahamad, Dulyadin  iyo Sheekh Gacma-dheere oo labaduba kamidka yihiin Saraakiisha Al-shabaab ee Gudaha dalkaas weerarrada Qarsoon ka abaabula.

Maxamed Kuno, ayaa la sheegay inuu  Mintidiinta ku biiray xilligii maxkamadihii islaamiga ahaa, taas oo markii dambe ay kasoo dhex baxeen kooxda Al-shabaab.

Waxa la tilmaamay inuu Sheekh Maxamed Kuno qaar kamid ah Ehelladiisa u adeegsaday weerarrada lagu qaadayo W/Bari Kenya oo muddoyinkan la tiicaysa Weerarrada Al-shabaab.

Kuno oo haatan lagu calaamadiyey inuu yahay maskaxda Abaabushay weerarkan aan lasoo afjarin ee kooxda Hubaysani gudaha ugu gashay Jaamacadda Garisa, ayaaa loo magacaabay Madaxa Al-shabaab  ee  Gobolka Juba, kaas oo weerarrada Kenya lagu soo qaado intooda badan laga soo abaabulo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed