Xogo Cusub Oo Laga Helay Goobaha Lagu Xidhay Saraakiil Booliska Iyo Nabad-sugidda Ka Tirsan Oo Ku Eedaysan Xidhiidh ay leeyihiin Kooxda Al-shabaab
Muqdisho:Mar,08,2915(SDN/QJ)-Warar cusub ayaa laga helayaa saraakiil booliska iyo Nabad-sugidda Somalia katirsan oo xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyey inay xidhiidh dhaw la yeesheen kooxda Al-shabaab.
Wararka warbaahinta soo gaadhaya, ayaa sheegaya in saraakiishan oo tiradoodu dhan tahay 11-sarkaal shalay la geeyey Jeelka dhexe ee Xamar, iyadoo laga soo saaray goobo kala duwan oo ay hore ugu xidhnaayeen.
Saraakiishaan oo intoodu badan la xidhxidhay habeenimadii Salaasaa, ayaa waxaa mudadaasi lagu haayay Xarunta Dembi Baadhista Xisbiga, oo ku dhex taala Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Saraakiishan, ayaa isugu jira sideed xubnood oo ka tirsan Booliska, iyadoo saddex kalana ay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir.
Saraakiisha Xabsiga Dhexe loo soo wareejiyay, ayaa waxaa ka mid ah Korneyl Maxamed Warsame, oo ahaa Taliyihii qaybta Weliyow Cadde. Korneyl Maxamed Shiine, Taliyihii qaybta Bariga Muqdisho. Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska Degmada Hodan, Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida Degmada Wardhiigley Mahad Koorow iyo Xasan Daahir oo ka mid ah Saraakiisha Nabad Suggida ee Degmada Hawlwadaag.
Saraakiishan, ayaa waxaa lala xdhiidhinayaa weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee 22-kii bishii Janaayo ka dhacay albaabka hore ee S.Y.L Hotel, oo kaabiga ku haaya Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Saraakiishaasi, ayaa shaqada ku qorneyd, markii uu dhacaayay weerarka lagu qaaday S.Y.L Hotel, xilli laba cisho ka dib weerarkaasi uu Magaalada Muqdisho soo gaadhay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com