Xogihii ugu danbeeyay ee xiisadda ka taagan Somaliland
Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland waxa ka taagan xiisad culus oo laga cabsi qabo in ay isu bedesho iska hor imaado dhex mara xukuumadda iyo mucaaradka, sida dhacday maalintii Khamiista ee todobaadkii tegay.
Waxa imika socda dedaalo ay wadaan salaadiinta beelaha darafyada ee Somaliland iyo beelo ka mid ah kuwa dhexda, iyagoo u guntaday in ay xaliyaan khilaafka.
Ugu horayn waxay ku guulaysatay salaadiintu in ay hakiyaan dibad-baxii mucaaradka ee maanta oo Sabti ah qorshaysnaa, halka mucaaradka loo balan qaaday in lasii daynayo dadkii laga xidhay mudadii ay xiisaddu taagnayd maalmihii lasoo dhaafay.
Ergada ayaa la sheegay in ay la kulmeen madaxweyne Biixi, balse si hor dhac ah ay u wada sheekaysteen loona ballamay kulamo danbe.
Ilo-xog ogaal ah ayaa Qurbejoog u sheegay in madaxweynaha aanay ka muuqan wax tanaasul ahi, balse mucaaradku ay kaliya rabaan in la arko madaxweynaha oo ku gacan saydhay ergada si aan iyaga eed loo saarin ama aanay u noqon ergo-diid.
Mucaaradku waxay imika war ka sugayaan ergada iyo waxa ay kala kulmaan kulamada danbe een madaxweynaha, taas oo go’aaminaysa tallaabooyinka danbe ee la qaadayo, sida sii-socoshada mudaharaadada oo mucaaradku ay balan qaadeen hadii madaxweynuhu muujin waayo dabacsanaan.