Xogihii ugu danbeeyay ee xaaladda Somaliland iyo tallaabada mucaaradka
Hargeysa. 12 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayuu muddo xileedkiisa dastuuriga ahi ku egyahay 13 November oo maalinta berri ah ku beegan, xili muran siyaasadeed Somaliland ka jiro.
Mucaaradka Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah ay hadlaan isla markaana go’aano culus ka qaataan xukuumadda Muuse Biixi.
MAXAA LAGA FILI KARAA MUCAARADKA
Mucaaradka Somaliland waxay tan iyo shalay wadeen Wada hadalo dhexdooda ah iyo la tashiyo ay ku dajibayaan waxa ay yeeli doonaan marka la gaadho berri iyo go’aanada ay qaadan doonaan.
48 saacadood oo xidhiidh ah ayay wada xaajoodku u socdaa mucaaridka.
Go’aamada kasoo bixi kara waxa ugu horeeya in aanay aqoonsanayn Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa. Waxa kaloo ka mid ah in taageerayaasha mucaaradku aanay bixin wax cashuur ah. Waxa kaloo ka mid noqon karta in Somaliland iskugu timaado shir Wada tashi ah maadaama Muuse Biixi cid walba diiday. Ugu danbayn, waxa miiska saaran dawlad ku meel gaadh ah balse waa go’aan danbe sida ay u badan tahay.