|

Xoghaye Xasan Siciid Oo Dhex Fadhiya Kooxda Kasoo Horjeedda Muuse Biixi Ee Maansoor Ku Sugan

Hargeysa:May,26,2014(SDN/QJ)-Xoghayaga Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa  Haatan la fadhiya kooxda Shirka jaraa’id ku qabanaysa Huteel Mansoor, isagoo ku biiray Garabka ka soo horjeeda Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbigaas.

BREEKINXoghaye Xasan Siciid ayaa  Sida u sheegayo wariyahayaga Noogu sugan Goobta Shirku ka socda lagu dhex arkay isagoo la fadhiya Kooxda Wasiirrada u badan oo uu Hoggaaminayo Saylici, kuwaas oo deedafaynta Guddidii Xalay Muuse Biixi Soo Saaray Beeninteeda meesha u fadhiya.

Xasan Siciid ayaa la sheegayaa inaanu Labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka soo xaadirin Xarunta Guud ee Xisbiga, waxana la sheegayaa inuu shirar hoose kula jiray Garabka Guddoomiyaha ka soo horjeeda.

Xasan Siciid ayaa la sheegay inuu xubnaha Madaxtooyada shirar doceedyo is daba joog ah kula jirey, taas oo aakhirkii sababtay inuu  Ku biro Dagaalka ka dhanka ah Hoggaanka Sare ee Kulmiye.

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed