|

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo martigeliyey shir ku aaddan dib-u-habaynta Shaqaaalaha rayidka ah iyo dejinta siyaasadda dowladda

Mogadishu, June 28, 2014(SDN/QJ)-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cumar Xasan Cusmaan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku martigeliyey kulan ballaaran oo looga hadlayey dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka ah iyo dejinta siyaasadda dowladda.

Kulankan oo ay soo abaabuleen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiir-ku-xigeeka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayaasha Joogtada ah ee ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya, waxana ujeedadu ahayd sidii loo dardargelin lahaa kor-u-qaadista aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, iyadoo la filayo qorshahan uu wax ka tari doono waxqabadka dowladda iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray hannaanka loo marayo dejinta siyaasadda dowladda Soomaaliya, waxana aarrintan looga golleeyahay in la helo qaab isku mid ah oo hay’adaha dowladdu raacaan marka ay dejinayaan siyaasadda dowladda. Hannaanka la isla ogyahay in loo raaco dejinta siyaasadda dowladda oo ay soo bandhigeen khuburo ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa afkaar iyo talooyin ku biiriyey xubnaha ka socday wasaaradaha, iyadoo la isku afgartay in kulamo kale la isugu yimaado si shaqadan loo sii anbaqaado.

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska R/Wasaaraha oo madasha ka hadlayey waxa uu yiri:

“Kulankan maanta muhiimaddiisu waxa weeye in hay’adaha dowaladda ay ka wada arrinsadaan dib-u-habaynta shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyo sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa. Shaqaalaha aynu maanta haysano waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufo adag sidaa awgeed waxaan u baahanahay in aynu aqoontooda kor u qaadno, waana hanti muhiim ah oo qaranku leeyahay.

”Wasiirada shaqadooda waa siyaasad, laakiin Xoghayaasha Joogtada ah iyo Agaasimayaasha Guud shaqadodu waa farsamo (technical), runtiina waa dadka wada shaqada dowladda, markaa waxaan u baahanahay in aynu kala saarno kaalinta siyaasadda iyo kaalinta farsamada, innagu farsamo ayeynu nahay marka shaqadaasi ayeynu wadaynaa”

Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabddalla Xaaji Cali oo isaguna kulanka hadal ka jeediyey ayaa soo dhoweeyey shirkan looga arrinsanayo sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa shaqaalaha rayidka ah, waxana uu tilmaamay in la xoojiyo aragtida ah in la kala saaro heerarka siyaasadda iyo farsamo ee hay’adaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

“ Muhiimaddu waxa weeye in la kala saaro heerarka siyaasadda iyo farsamada ee hay’adaha dowladda, haddii aan tusaale soo qaato, horraantii sagaashamaadkii dowladihii Soomaaliya iyo Itoobiya isku waqti ayey burbureen, laakiin Itoobiya heerka siyaasadda ayuun baa ka burburay, waxaa u badbaaday hawl-wadeenada farsamada ee hay’adaha dowladda. Sidoo kale marka la eego dalka Talyaaniga, laga soo bilaabo dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka siyasadda waddankaasi marna ma deganayn, laakiin waxa shaqada waday waa dadka hawl-wadeena farsamo ah. Ayuu yiri Mudane Cabdalle

“ Dadka wada shaqada dowladda waa Agaasimayaasha Guud, Xoghayayaasha Joogtada ah iyo wixii ka hooseeyaa, sidaa awgeed waa muhiim in dadkaasi ay siyasadda ka madax banaanaadan” ayuu raaciyey Wasiirku.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed