Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB oo qoraal uu dhinacyo badan kaga hadlay ka soo diray France
Intaanan guda gelin nuxurka maqalkan, waxaan doorbiday inay lagama maarmaan tahay in xogaa hordhac ah lasiiyo aqristayaasha suuban, waana tan ee lasoco.
Qeexid (CLARIFICATION)
Shantii wadan ee Somalidu ka degaysay Geeska Afrika, laba kamid ah ayaa xoroobay 1960-kii, kadibna midoobay, si ay ugu gogoldhigaan Somaliweyn. Waxay dalkoodii ula baxeen: Somali Republic (Republica Somalo). Magacaas rasmiga ah ayaa loo yaqaanay ilaa 20/10/1969. Waxa labadalay 21/10/1969, markii Habaar-Rabe Moxamed Siyaad Barre afgambiyey dawladdii sharciga ahayd ee Dr. Rashiid Cali Sharmaarke & Moxamaed H.Ibrahim Cigaal.
Waxaa dalkii loo bixiyay: Somali Democratic Republic (Republica Democratica Somalo.Wuxu dalku sitay magacaas ilaa 1991-kii. Kalmadan Somalia waa magac cankamud ah oo kasoo jeeda” Somalia Italiano”. Ma laha jiritaan kiisu wax xaqiiq sharci ah (legal existence), haba yaraatee.Waxa isticmaali jiray reer koonfureed iyo abaan koodii Italia. Madaama ay si gaar ah ugu daqmijireen, iyaguu magacaasi dhaxal gal u noqday 1991, waanay ku socod siiyeen aduunka oo dhan, badhaadhe ama ba, wax kasta ha kala kulmeene.
Reer Waqooyi koodii hore ee loogu wanqalay 26/06/1960-kii ayay lasoo noqdeen: Somaliland Republic. Labada midna cidi kuma qabsan karto.Wadamo kale oo israacay, markii dambena kala noqday, ayaa sidaas u kala baxay oo aan cidina iswaydiinay maanta. Waxa ka mid ah:
1/ United Arab Republic (U.A.R),waxa magacii lahadhay Egypt-tii Gamal Cabdul-Nasser, markii Syria dib uga noqotay midnimadii.
2/ Mali, waxa magacii lahadhay French Sudan (Soudan Français) of Modiba Keita, markii Senegal ka laabaatay israacii.
Walaaladeen reer konfureed haday iyaga iyo abaan koodii Italia kalmaddan Somalia jeclaadeen, waa yeeladood. Lakinse inay jacayl kooda inagu khasbaan, meesha ma taalo, ileen lama wadaagne-e.
1/SILSILADDII KHIYAAMADA 1960-KII
Israaca 1960-kii ee labada dal ee xoroobay dhex maray, waxay runtii ahayd mid jibo iyo caadifad ku qotoma. Runtii labada ummadood aqoon fican isoomay lahayn.Waxa uun jiray in madaxda gobonimo doonka ee reer Somaliland xidhiidh koban la lahayeen hogaanka sare ee S.Y.C, markii dambena noqotay S.Y.L., siiba intii aan lasamayn uruurada siyaasadeed ee S.N.L, N.U.F. iyo U.S.P.
Mudane Cabdillaahi Ciise Moxamuud, hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa gobonimo doonka Koonfureen, oo shaqsi waafi ah ahaa, ayaa si gaar ah loola xidhiidhi jiray, arin iyo aduunbana lagu taageeri jiray.
Waxay reer Waqooyi u arkeyeen Cabdillaaahi Ciise, leader shucuurta ku dheehani tahay daacadnimo iyo qabyaalad la’aani. Isagoo madax ka ahaa maamuladii xukunka daakhiliga ee Xamar laga unkay 1950 &1960. Nasiib daro,Gumaystihii talyanigu, waxa uu malgeliyey ururo badan oo qabyaladaysan, si uu leadershipka wadaniga ah ee S.Y.L u daciifiyo. Waqtigii loo diyaar garoobaayey doorashooyinkii 1959-kii, tobaneeyo ka mid ah ururadaas gacan ku rimiska ah, ayaa la muuseeyey, kuna biiray S.Y.L. Taasi waxay keentay in si xeeladaysan Baarlamaanka usoo galaan xubno xoogleh oo reer Majertania u badan, looguna talagalay in ay caabiyaan shucuurta wadaninimo ee Cabdillaahi Ciise. Markiiba Adan Cadilleh Cusmaan (Hawiye), oo Ina Muuse Matan ( Majeertania ) qaba, ayaa loo caleemo saaray Gudoomiyaha Barlamaanka, si uu dalaayad ( Cover ) ku meel gaadh ah ugu noqdo xulafada.
Markii doorashooyinkii Somaliland dhaceen 1960-kii, lana gudoonsaday in la’ israaco Somalia Italiano, waftigii Mogadiscio loo diray wahay lasoo guryo noqdeen waji- gabax iyo niyad-jab.Waxa xitaa adkaatay in Moxamed H. Ibrahim Cigaal qanciyo ummaddii Somaliland ee caadifadda midantu sidatay.
Waxa arintaas ku dhiraday Cali Garaad Jaamac, ninkaas oo shacbigii ugu waramay in aanay Xamar ku arag wax shucuurta israaca somaaliyeed daacadnimo ugu diyaar ah. Markiiba, qaylo iyo sayaxan gadoodsan ayaa lagula kacay: Laa, yaa Garaad! Laa, yaa Garaad! Middaaasi way ku jirtaa taarikhda Somaliland.
Halkaas ayaa lagu carasqalay, power-qaybsi dhexmari lahaa, labadii wadan ee midoobaayey, indho iyo dhego la’aanna laysugu dhiibay Xamar.Waxa farsamadaas musuqmaasuqa ah oo dhan, ee lagu doodsiyey xaqa reer Somaliland ka adeegay reer Majeertania, kuwaas oo ay hoos heshiis ka ahaayeen maamulkii gumestayaasha talyaaniga oo baqe weyn ka qabay reer Waqooyiga.
Si loo fuliyo mu’aamaraddkaas,waxa samaysmay xilfi uu hogaaminaayo Adan Cabdilleh Cusmaan, kuna daba filesan yihiin reer Majeertania oo loo balan qaaday boosta Prime Ministerka, taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaalena ka haysta maamulkii Italia ee xukunka Mogadiscio wareejinaayay.
Markiiba,waxa laga riixay hogaankii dalka Cabdillaahi Cisse Moxamuud oo ay Madaxda reer Somaliland wada tashi ka dhexeeyey, waxaana Madaxweyne loo doortay Adan Cabdulleh Cusmaan, Cabdirashiidna ( Majeertania ) loogu magacaabay Prime Ministerka Jamhuuriyadda Somaaliyeed ee midowday.
2/ ABUURKII PUNTLAND
Maamulka Majeertania ee la magac bahay Pountland waxa loo samaystay xinka iyo xaasidnimada Jamhuuriyadda Somaliland ee madax banaanideedii lasoo noqotay 1991-kii.Waxa tirada lagu darsaday dhul ka tirsan Somaliland-tii ka xorowday boqortooyada Ingiriska 26/06/1960-kii. Runtii waxay ahay mu’aamarad & daandaansi ku salaysan isirnimo-raac.
Dulqaadkii Somaliland waxa uu soo jiiday colaad iyo dagaal sokeeye oo marba waji cusub keena, taasi oo maanta maraysa in Majeertania u soo badheedho fadhataysiga khayraadka ku duugan Jamhuuriyadda Somaliland ee nabada jecel. Iyagaa ka dambeeya Khatumo-seeg state iyo Makhir State, labadaba. Cidanka Majeertenia way ku jireen dagaalki Gambadhle(Sool) iyo midkii Sool-joog-ba(Buhoodle).Waxa la shaqaynaaya Madaxweynaha iyo Prime Ministerka Somalia.
Waxa la shaqaynaaaya Prime Ministerka Somalia iyo Madaxweynihiisa. Waxay isla bilaabeen farsamo cusub oo ah: Habar Dhali Wayday Aleelo Ku Waalatay. Sheeko baralay laleeyahay dastuurba loogu samaynaayo Somalia, ayay maantana doonayaan in ay isku maaweeliyaan, ileen waa khiyaal ku nool-e. Markii ra’ilcaamkii laga adkaaday shirkii London ee 23/02/2012, waxay gaadheen in madax- dhaqmeed Somalilanders ah liistooyin ku darsadaan, iyagoo ku martiqaadaaya Samayn dastuur aan Jamhuuriyaadda Somaliland khusaynin, haba yaraatee.
3/ XAMAR MISE GAROOWE?
Dalkan ayaanka daran ee layidhahdo Somalia, halkeeba looga taliyaa, Xamar mise Garoowe? Ma Sharif Axmed baa Madaxweyne u ah, mise lamaanta Cabdiwali iyo Cabdiraxman Faroole Majeertenia? Waxaynu ognahay in power koodu ahayn mid si dimoqaraadi ah ummadda ugu aroora. Lakiinse, waxa isweydiin leh cidda u mudan fulinta amaamirtooda daladhacaysa.
Su’aalahan waxay dhasheen kadib Shirkii London ee 23/02/2012. Go’aamadii caalamku shirkaas ku gadhay, qodob kiisa 6-aad, wuxu amray in Somalia iyo Somaliland yeeshaan wadahadal aayoo ka tashi.
Sharif Axmedarrintaas wu aqbalay, waxaase gashaanka ku dhuftay Faroolaha ka amarkutaagleeya Majeertenia. Iskashiga Cabdiwali iyo Faroole waxay kaliftay in guddidii 5 xubnood ee Somalia wadahadalka uga qaybgelaysay lagu soo daro 2 xubnood oo kale, kana tirsan xukuumad goboleedka Majeertenia, kuwaas oo weliba u dhashay Jamhuuriya Somaliland.
Waxa talaabadaas cambareeyey, meel-kadhacna ku tilmaamay Professor Axmed Ismaaciil Samatar iyo Ismaaciil Buuba, oo labaduba aaminsan yihiin Somali Weyn.
Somaliland way diiday farsamadaas cusub, oo khilaafsan qodobkii 6-aad ee go’aamadii Shirkii London. Caalamku wu ayiday mowqifka Somaliland. Waxa kalo taageeray Somaliland Guddi dhaqmeedka sare ee beelweynta Hawiye.
4/ GALGALASHA CUSUB
Somalidu waxay tidhaahda: Falaadhi gilgilasho kagama goodo.
Waxa taas ka dhigan shaxdan cusub ee Sharifkan xukinkiisi gabaldhaca joogo ku hindisooday, marki lagaga adkaaday ra’ilcaamkii siyaasadda iyo midkii diplomasiyadeedba.
Wuxu yidhii iisoo liisgareeya madaxdhaqmeedyo Somalilanders ah, oo iiga qaybgasha shirka guud ee aan ku ansixiyo daastuurka aan Somalia u samaynayo.
Maxa liiska lagaga xishoon waayey in la qorto Boqor Buur-madow oo xidhan iyo Suldaankii guud ee Somaliland, Suldaan Moxamed Suldaan Cabdulqader Suldaan Cabdillaahi oo aad loogu hanweyn yahay dalkeena.
Ninka TFG-da ugu magacaaban Wasiirka dastuur oo lawaydiyey meeshey jiraan madax- dhaqmeedka liistada ugu qorani,wuxu ku andacooday: dhexday ku soo jiraan, ama qaar jooga ayey soo wakiisheen.
Xigmad waaga, taxgelin la’aanta, ansha darida, indha adayga iyo diin- xumada yaala Xamar iyo Garoowe fool-xumaa:Aniga ku cunay, aniga ku hadlay, aniga ku gartay, aniga ku saxeexay kuna ansixiyey. ALOORE ANIGA KU MATALA OO WAAN KU HAWL FUDUDEEYEY, NO? ABOOWE, MULTA GRACIO LAGA RABAA.
Bal akhristayaalow, maxay reer Majeertenia ka kasbi doonaan colaada iyo cadaawadda ay ka dhex hurinayaan labada ummadood ee walaalaha ah, kuna kala nool Somaliland iyo Somaliada kala noqday?
Wa Billaahi Tawfiiq
Jaamac Yaasiin Faarax
Lyon/France