|

Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID oo Tacsi Udiraya Geeridii Naxdinta Lahayd ee Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed

Hargeysa Dec 30,2014(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa tacsi tiiraanyo xanbaarsan u diray bulshada reer Somaliland geeridii naxdinta laheyd ee ku timi xoghayihii hore ee ururka suxuufiyiinta ee SOLJA Marxuum Maxamed Rashiid Muxumad, sidaana waxa lagu yiri warsaxafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Md Abdiqani Ibrahim Salaf Kaptanka.

Maxamed Rashiid Muxumed AHN Waxa uu ahaa halyey iyo Halgamaa iyo waliba hal adayg oo aan runta la gaban una soo Halgamay Madax Banaanida |Saxaafada Xorta ah.

Innaa lillaahi Wa inna Ilayhi Raajicuun Geeridu Waa xaq Waana lama huraan Cidkasta Sugaysa Sidaa Darteed.

Waxaan Tacsi Tiiraanyo Leh udirayaa dhamaan Shacab waynaha Jamhuuriyada Somaliland, Saxaafada Madaxbanaan iyo Gaar ahaan Ehelkii Qaraabadii iyo Asaxaabtii uu ka baxay Marxuum Muj Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo xalay ku geeriyooday Dalka Kenya.

Waxaan Ilahay Subxanahuye uga Baryayaa inuu Samir iyo Imaan inaga siiyo dhamaanteen Geerida naxdinta leh. Marxuumkana Waxaan ilahay Uga baryaya Inuu Janadii Udgoonayd ugu Deeqo ishallah aaamiin yaarabi

 

Allaah Mahad leh

 

Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID

Abdiqani Ibrahim Salaf Kaptanka

 

Comments are closed