|

Xogahayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka oo ka Muquuratay Suaal laga weydiiyay in Mareykanku Maacaamil la sii yeelanayo Somaliland iyo Puntland

Washington Jan 21,2013(SDN)-Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Hillary Rodham Clinton ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku aqoonsaday dawlada Soomaaliya mudo 19 sanadood ka dib ah.

Goaanka Mareykanka ayaa la shaaciyay xili uu madaxweynaha Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho rasmi ah ku joogo dalka Mareykanka.

Hadaba ku dhawaaqida siyaasada cusub ee Mareykanka ka dib ayaa waxa suaallo goobtii lagu weydiiyay Xoghayaha arrimaha dibbeda ee Mareykanka Hillary Rodham Clinton iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadaba Suaal ay halkaa ku weydiisay mid ka mida weriyeyaashii halkaa joogay oo u shaqeysa laanta afka Soomaaliga ee iddaacada Codka Mareykanka(VOA) ayay Xoghayuhu ka muquuratay in ay jawaab waafi ah ka bixiso.

Falastiin Iiman ayaa Xoghayaha weydiisay in aqoonsiga Mareykanka ee dawlada Soomaaliya ka dhigan yahay isbedel ku yimi siyaasadii hore ee Mareykanka ee uu kula maacaamili jiray maamulada dawlada Soomalaiya ka madax banaan?.

Hillary Clinton ayaa ku Jawaabtay”Maanta waxaanu qaadeynaa tilaabo cusub oo aanu ku wejeheyno dawlada cusub ee aanu aqoonsaneyno.Waxaanu si weyn u aaminsanahay in doorashada Madaxweyne Cusub,reysul wasaare Cusub iyo Dastuur Cusubi ay yihiin gunaanadka xiligii ku-meelgaarka,iyo bilowga marxalad cusub oo dawladnimada Soomaaliya ay gashay. waana sababtaa ta aanu madaxweynaha u dooneynay in uu noogu yimaado si aanu uga wada xaajono mustaqbalka.

Waxa haatan socda hawsha wanaagsan ee uu wado Safiir Swan oo hogaamiya koox,sida aad la socotaan,ay ka goan tahay in ay la shaqeeyaan dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed. laakiin halka aanu haatan taaganahay waa in aanu caawinay sidii dawlad KMG ah loo heli lahaa,loola dagaalami lahaa Al Shabaab,iyo in aanu gargaar biniaadamnimo bixino,haatana waaxu u gudbeynaa weji cusub,siduu madaxweynuhu sheegeyna.iminka waxaan aaminsanahay in hawsheenu tahay in aanu dhegeysano Dawlada iyo dadka Soomaaliyeed oo iminka taagan heer ay noo sheegaan inaga iyo caalamkaba waxa qorshahoodu yahay iyo sida ay rajeynayaan in ay u meel mariyaan.

Waxaanu hada u guddubnay heer laba dowladood oo madax banaan,iyo in aanu noqono laba wada shaqeeya,Soomaaliyana ay goaansato mustaqbalkeedu waxa uu noqonayo”.

Hadal heynta u badan ee Soomaalida ayaa todobaadkan ahaa aqoonsiga Mareykanka ee dawlada Soomaaliyeed iyo waxa uu ka dhigan yahay,jawaabta Hillary Clintona waxa ay muujineysaa uun in wax badani aaney cadeyn.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed