|

Xog Sir ah :Wargayska Dhinaca Sirdoonka Wax Ka Qora Oo Daabacay Warbixin ku Saabsan Maamulka Dekadda Berbera oo lagu Wareejinayo Shirkadda Bollore oo laga Leeyahay Dalka Faransiiska.

hhhhhh

Hargeisa 3/8/2014 (SDN/QJ)-Wargeyska ka soo baxa dalka Faransiiska Indiean Ocean ee wax ka qora Heshiishyada qarsoon iyo sirraha aalaaba ay qariyaan madaxda dunida sadeexaad ayaa qorraal ka qoray Shirkada Bollore oo si wayn u dannaynaysa Dekeda Berbera.

Jariiradu waxay sheegtay in socdaalkii shirkada Bollore ku tagtay Somaliland aya wadada u xaadhaysay sidii loo diyaarin lahaa heshiis loo dhan yahay si markaasi shirkada laga leeyahay dalka Faransiiska ee Boloré uu la wareegi lahayd maamulka dekeda .

waftigii heerka sare ahaa ee ka socday Shirkada Boloré ka socday ay ku tageen Somaliland ku may tagin gacmo madhan sida ay qortay jariiidadu, waxa waftigan hogaaminayay Dominique Lafont oo ah madaxa shirkada Boloré qaybta qalabka ee Africa oo ay maalgaliso isla shirkada Boloré qaybteeda dalka Faransiiska .

Jariidadu waxay sheegaysaa in waftigan kulamo gooni gooni ah la yeeesheen Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madaxwaynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo madax u ah gudida loo xilsaaray inay la xaajoodaan shirkada Boloré ee damacsan inay la wareegto maamulka dekeda Berbera.

Hadaba gudida guud ee wadahadalada waxay ka kooban yihiin Lafont oo ka wakiil ah shirkada Bolloré, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka wakiil ah Somaliland iyo Wasiirka ganacsiga ee dalka Itoobiya Kebede Chane, iyadoo wadahadalada u dhaxeeya gudidan uu socday muddo hada dhawr sanadood ah, waxaana heshiiskan iyo wada hadaladan u horseedayaa sidii shirkadan u maamuli lahayd dekeda Bebrera si gaar ah iyadoo heshiiskan ay lug ku lahaanayso dalka Itoobiya, waxaana heshiiska ku jira oo wali wadahadaladiisu socdaa arimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xajmiga ay dowlada itoobiya ay kala soo daggayso dekeda Berbera inta uu leeg yahay iyadoo shirkada Boloré ku adkaysanayso in ugu yaraan 30% badeecadeeda ka soo dejiso dhinaca dekeda Berbera oo u dhiganta 4 Milyon oo Tan.

Shirkada Boloré waxay aad u xiisaynaysaa in dalka Itoobiya xajmi wayn ku balanqaado inuu u wareejinayo dhinaca dekede Berbera si markaasi iyaguna dhinacooda ay u balanqaadaan sidii ay u qalabayn lahaayeeen una balaahin lahayeen dekeda Berbera , waxaan jariidadu sheegaysaa in hadii aanay haysan balanqaadka dalka Itoobiya aanay galin karayn heshiiskan, maadaama wakhtigan badeecada ugu badan dalka Itoobiya kala soo degto dalka Djibouti.

Dhinaca kale jaradiidadu waxay wax ka qortay caafimaadka madaxwaynaha dalka Djibouti oo ay ku sheegtay mid aad u liita, waxaanay sheegtay in maalintii ciida uu la tukan kari waayay dadwaynaha xanuun darteed, waana markii ugu horaysay ee uu seego salaada ciida intii uu xukunka la wareegay 1999kii, waxaan hada lagu arkaa isagoo ku tukanaya inta badanbkursi, waxaana jaraiidadu sheegtay inuu madaxwaynaha dalka Djibouti hada kari karin inuu kaligii istaago muddo ka badan dhawr daqiiqadood.

Halkan Guji si aad u Tagto Boga ay Jariiradu Ku daabacday Warkan oo dhamaystiran

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan Qurbe jog

Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed