|

Xog-dhaba:Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya

an iyo malintii qarankeena somaliland la soo laabtay, madaxbanaanidiisii 1991kii, waxa aan meel cad iska taagnay, jiritanka iyo in qarankeenu ka mid noqodo, qaramada duunka, taas oo aan jid dheer iyo halgan nololeed oo qadhaadh aan u soo marnay, mood iyo xoolana aan ku weynay, taas waxaa ka sii xeel dheer, ninta nafo inagu qaliya aan ku weyney halgankaas qadhaadhaa, ee aan u soo galnay, waxa aan maanta haysano, se aan wali ugu jirno halgan kale, in waxaas aan ka sii wanaajino, oo uu noqdo qarankeenu, qaran haybad iyo milgo ku dhex leh qaramada kale ee adunka, wana aan gaadhi doonaa taas hadii Eebe yidhaa,.

Waxase maanta taal, weydiin aad u weyn oo ah, maxaa ka dhiman qarankeena somaliland si uu u gaadho yoolkaas uu higsanaayo?

Hadaba aan si dhaba oo ku qotonta, xeerarka aduunka u yaal aan isku dayo, in aan u faahfaahiyo, weydiintaas, oo ah, hore yaa wax isgu keen jireen, oo aan waxa isku darsanay?

Tan waagii gayiga aan ku noolnahay ee Eebe qaybta inoo siiyay, uu gacanteena ka baxay, ee uu u gacan galay, Boqortooyadii Cusmaniyinta, iyo Boqortooyadii Ingiriska intii ka horaysay gayigeenu waxa uu ahaa mid aan u madaxbanaan nahay oo aan cidi igu soo weecan jirin, xoolaheenuna uu u foofi jiriay hadba geeska uu baad iyo suugaan ka heleeyo, se wixii intaas ka danbeysay, dagsiimadii aan lahayn waxa la wareegay Boqortooyooyinkaas, oo dano waaweyn ka lahaa gayigeena, hirdanka iyo loolanka ugu weynina iyaga ayuu ka dhexeeyay, hadba kii rooni reerka ha u hadho ayaa talo kaga ururutay, iyada oo aan waxab laga talo galin dadkii dhulka lahaa, marka laga tagi waayo heshiiskii Boqortooyada Ingirisku ku soo gashay dhulkeena, oo ahaa mid baal dahaba ka galay kagana jira shintirsiga aduunka, oo si cad daaha uga fayday aqoonta iyo kasmada ku duugan dadkeena, oo si dhaba u yaqanay in aan dhulkooda aan looga xusul maroojin karin taag iyo tabar meel ay dhigtaba dhulkooda, sidaa awgeed bay mutida somaliyeed ku soo baxday, ee odhanaysa BARBARI WAXA GO’ LAGU QAADO KA WEYN, taas oo Boqortooyada Ingrisku ku hunguraysay in laga iibiyo Barbara, kadib odayaashii ku yidhaadeen imisa ayan kaa siinaa, markaasuu gaalkii ingiriis inta uu go’ cad kala bixiyay wixii uu xoolo hayey iyo wixii uu haabhaaban karaayayba ku shubay go’ii, intaasi markii ay dhacday baa oday ka mida odayadii baa inta uu go’ii dacalka qabtay kor u saydhay wixii ku jiray, markaasuu yidhi murtidan aadka u qiimha weyn si dhab u soo koobsatay, tabtii iyo qabkii uu Ingiriis ku soo galay gayigeena.

Kadib ingiriis waxa uu si dhaba maankiisa u galiyay in aanu xoog iyo xoolaba aanu waxab ku qaadi karin, taas oo si cad oo ay odayashii aqoonta iyo kasmada dheeraa, si dhaba ugu cadeeyeen , sidaas awgeedna uu ogaaday in tubta kaliya ee u banaan in uu qaadaa ay tahay, in uu heshiis la galo, isla markaan uu u hogaansamo dhamaan qodobadii ay odayaashu madasha soo dhigteen, oo ay ugu waaweynaayeen.

In aan heshiiska aan ku wada galno bada gunteeda, oo aad dhulkayga cagaha aad ka qaado, hada .
In malinta ay ku yidhaahdan naga bax uu ka baxaayo.
In aanay dhumarkiisu gayiga aanay ku dhaleyn.
in ka ka dhinta aan gayiga lagu aasayn.
in aanu ka guursanayn, iyaguna aanay ka guursanayn.

intaas na uu dhaafsado in aan cid isaga ahayni gayigan aanay sheeganayn, waana halka uu magaca somaliland ka soo soo jeedo, isla markaana waa amintii magaca somaliland baxay, cida sumadaas dhulkeena ku dhajisayna waa Boqortooyada Ingiriska, ku astaysatay Maxmiyada Somaliland.

Waxa se aan maanta lee nahay hadii aan nahay bulshada reer somaliland, oo ka isiran dadkaas, wixii garta ay u lahaayeen si dhaba ugu gacan sareeyay, in aan lee nahay aqoontoodii, iyada oo aan waayo aragnimo buuxda ka haysana, waxaas iyo wixii ka danbeeyay oo dhan

Alla dheeriyaa

Dhuxusha ka madoobiyaa

Aabahay baan arkaa

Hooyaday baan arkaa

Hadaba jidkaas dheer ee guusha ay keeneen odayaasha aan ku abbtirsanaa, maaha jid si fudud lagu hilmaamo, ku darsoo, aqontan maanta aminta dheer la wado ee dugsiyada iyo jaamacadaha looga soo baxo may kasayn, kaliya waxa ku dheeray, maankooda ku weynaa, in gayiga ay leeyihiin aanu gacantooda si fudud uga bixin cidii doontaa ha maamushee.

Aniga oo su aan qoto dheerayn u dul-xaadhinaya, jidkaas, kana fog in qalinku ila taraaro, si aanan yoolka uga habaabin, gayigeenu amintas waxa ka bilawday halgan lagu diidan yahay, Ingiriska oo uu gadh-wadeen ka ahaa Eebe godka ha u iftiimiyee Sayid Maxamed Cabdule Xasan, oo mudo aad u dheer diidanaa, joogitanka gayigeena, inkastoo dadku ay ku kala aragti gadisanaayen, se waxa uu ahaa halgan si dhaba u galay shintirsiga dhulkeena, oo ay si buuxda ugu jiraty dhul-jacaylku, waxana uu halgankaasi ku bashiishtay, gacmaha dadkeena oo kala qaybsanaa, oo badhna gaalka la socdeena inta kalena ay ka soo horjeeden.

Waxa waa sidaas ahaadaba, waxaa soo dhawaaday, oo dhabatay naacawdii madaxbanaanida, iyada oo ay u wada haraadan yihiin dhmaan, tol-weynaha somaliyeed, meel uu jaagaba, waxase aad ugu sii han-weynaa dadka reer somaliland sida ka muuqata tixdan gabayga ah ee uu Abwaan Barkhada cas leeyahay waxanu yidhi isaga oo aad u dhibsaday aminta ka hadhay, malintii loo asteeyay in gayiga somaliland qaato madaxbanaanidiisa, aadna u jecel in uu soo gaasado aminta ka hadhay, yidhi

Lixdan kaan tagi laa hadaan tah layee

Ileen tiro toobiye ma lahoo

Ileen sanad lama talaabsado

Waxa si mug leh uga muuqata tixdan abwaanka in uu aad iyo laxaad u dhibsaday, aminta loo asteeyay in gayiga somaliland madaxbanaanida qaato, isaga oo abwaanku aad laabta ugu hayay in la is raaco waaxda kale, ee somaliyada maanta.

Hadabada waxa jiray nin kale oo isaguna midaas uu abwaan Barkhas cas qabay, ka gadisan maankiisa ku hayay oo aad ula yaabay jibada iyo laab-lakaca odaygan haysa, waxanu ugu jawaabay tix kale oo gabaya oo uu ku yidhi

Waar bileeyuu lixdankuba lugooyo noqdaa

Labadii is jecelaana kala lumiyaa

Waxaad la hataana la waa noqdaa

Hubaal waxaa si cad u dhabawday, tixdan oo si cad uga marag ah, halka manta waxa maraayaan, oo labadii kale ayaa maan sii kala guranaaya.

Gayigeenu hadaba waxa uu si buuxda uu u helay madaxbanaanidiisii 26/06/1960 kii oo noqotay halkii ugu horaysay ee Geeska Afrika madaxbanaani ka qaadata, gumaystayaashii.

FIIRO GAARA

Intii aanu gayigeenu aanu madaxbanaanidiisa aanu qaaday waxa uu Ingirisku ka jaray dhulka Somali galbeed oo ka tirsanaa Maxmiyada Ingiriiska ee somaliland, waxana uu jar 1954, wana kii abwaanku lahaa waa duni la kala iibsadoon nala ogaysiine, waxana uu Ingirsku ka baxay heshiiskii ahaa in in uu gayiga ilaaliyo, waxana uu gacanta u galiyay Itoobiya.

Waxana halkaas ku soo xidhmay si aan, ku laabasho ahayn in gayigeena uu gaal uga taliyo, iyada oo uu waax ka jaray gayigeena somaliland, waxana madaxbanaanida qaadatay intii kale oo ah somaliland ta maanta jirta, se waaxdii kale wali waa sugayaal madaxbanaani, tan iyo waagaasana waxaa ka jira guus, in kastoo dadku kala qaybsan yahay oo aanu meel u wada biyo shubayn.

Waagaas hadaba waxa jiratay xumad waxa haysay dhamaan tol-weynaha af somaliga wadagaa, oo ahaa in hal sumada la wada hoos yimaado sida ka muuqata sumada buluuga ah ee shan-geesta cad, gaas kasataana waxa uu hal-beeg y yahay waax ka mida waaxaha tol-weynaha somaliyeed, oo ku qotonta qaabkii uu u kala qaybiyay gumaysigu, oo kala ah

Maxmiyada Ingiriiska ee Somaliland ( Somaliland ta maanta )
Dhulka Canfarta Iyo Ciisaha ( Jabuuti)
Somali Galbeed ( Kililka Shanaad) Itoobiya ku maqan
N.F.D ( Woqooyi Bari) Kenya ku maqan
Italiyan Somaliland ( Somaliyada maanta)

Intaas waaxood buu ka kooban yahay gayiga, ay ku fidsan yahay tol-weynaha somaliyeed, kaliya waa tol diin wadaaga ah ee maaha tol. Dhalasho, af iyo dhaqan wadaaga, waxan marag u ah taas waxa maanta ka taagan gayiga, ay ku uuman yihiin, se qodobkaas mar kale ayaan qalinka u qadan donaa, oo aan si balaadhan oo turxaan tiran aan u soo bandhigi doonaa, hadii Eebe igu simo.

Guntii waxa ay ku soo ururtay, in dhidibka loo taago, lana rumeeyo riyadaas, ahayd in ah sumad ay wada hoos hadhsadaan, tol-kaas diin wadaaga ahi, se kala dhaqamada iyo afka kala duwani, waxana dhidibkii ugu horeeyay wada taagay labadii ugu hor qaatay madaxbanaanidoodii oo kala ahaa

Maxmiyadii Boqortooyada Ingiriska (Somaliland ta manta)
Iyo waaxdii Talyaanigu Gumaysanaayey ( Somaliyada maanta)

Labaas waaxood baa qalinka Eebe hore u qoray in ay mudo 30 sano ah ay wax wadaagaan, intii kale se waa maqan tahay, walibana sidaas bay ku daysay oo, ku qaaday wixii Eebe u qoray, in ay dib isgu yimaadan daaye labadii kale baa si dhaba u sii kala xuub siibatay, oo hada u xaytay in ay kala baxaan.

FIIRO GAARA

Magaca Somaliya waxa uu ka yimi loona yaqanaa labadii waaxood ee isku biiray 1/07/1960 kii , waana sida dhabta ah, waxan taas kugu marag ah, labada waaxood midkasata waxa ay lahayd magac iyo sumad u gaara, laba meeloodna waa kala hoos tagi jireen, waana sida uu kaga diiwan gashan yahay, Qaramada Midoobay, iyo dhamaan goobaha adunka ee la isgu yimaado, waana magac ka dhexeeya Somalilandta maanta Iyo Somaliyada maanta, waana sida uu xeerarka adunka ugu qotomo ee dhabta ah, ninkii baal marayaa isagaa cirka roob ku ogg.

Intaas iga dheh dul-ka xaadis, fudu, mana aha waxa cusub ee waa wax maanta badka yaala oo aan marag loo raadinayn, shintirsigna ku qotonta, ee maaha sida dadka qaar runta u gees marayaan in ay is diidsiiyan shintirsigaas iyaga oo dano gaara ka leh, oo raba in dad dhan waxooda kas iyo maan isku diidsiiyaan.

Aan u soo gonda dago waxa ay laabtaydu holatay in ay maanta idin la wadaagto, hadii aad tihiin dadka uu qoralakani gaadhi doono, waxana aan xogtaas oo dhan aan u soo faagay, in aan si cad oo mugi-tiran, aan uga werceliyo waydiintii aan kor ku soo sheegay, waayo, maanta Somaliland Iyo Somaliya waxaa u bilawday geedi kala guuro oo dhaba, hadaba waa sidee qaabka iyo hanaanka loo kala guurayaa, iyada oo uu bundhig u yahay kala guurkaas, war-murtiyeedki ka soo baxay 23/02/2012 shirkaas oo adunka isla meel dhigay waxa laga yeelaayo wixii la isku odhan jiray jamhuuriyada somaliya, oo si cad u qeexay in Somaliland Iyo Somaliya si cad u kala qeexaan mustaqbalkooda siyaasadeed waxa uu noqonaayo, taas oo si cad daaha uga fayday in waxa Somaliland iyo Somaliya isga maqani uu yahay arin ku qotoma xeerar, ileen iyaga ayaa waxa isku darsadaye, oo ah hadii aad kala baxaysaan iyo hadii aad dib isgu laabanaysaan, idinkaa hore waxa isgu darsaday, mantana raba in aan kala baxdaan, ee waxa aad isla meel dhigtaan baan idin go’aaminaynaa, hadii aan nahay, bulshada aduunka.

Sidaasi waa sida dhabta ah, marka looga af-celiyo xeerarka, adunka iyo af-celintooda, iyada oo ay si cad u muuqato qolo kastaa waxa ay doonayso, iyada oo ay labada dhinaca kala xoog weyn yihiin dhan kasata marka laga eego, sida

Somaliland waa wadan dhisan oo mudo 23 sano jiray dhamaan dhulkiisan gacanta si buuxda ugu haya
Somaliya sidaas waa ka duwan tahay oo 23 sano waxa ay ku jirtaa bubrur buuxa, dhamaan dhulkeedana gacanta kuma wada hayso
Somaliland waxa u dhisan dhamaan tiirarkii uu u baahnaa qaran dhaba oo jiraa
Somaliya waxa si buuxda ugu dhisan ma jiraan, dhamaantoodana hada ayay yihiin yabyab iyo karkar
Somaliland si dhaba ayay ugu soo diyaar garawday wadahadalkan iyada oo qodobo aad iyo laxaad u xoogweyn madasha ay u yaalaan, kuwaas oo ku qotoma gar xeer oo aan cidi is diidsiin karin
Somaliya waxa si cad uga muuqata in aanay si buuxda ugu soo diyaar garoobin wadahadalada, qodobada ay madasha la timina marka la barbar dhigo kuwa kale waa ka awood hooseeyan
Somaliland waxa si cad u garab siinaya oo si dadban iyo si toosaba u taageerya qaramada dagmada ku nool sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxana si dadban u garb siinaya somaliland, Ingriiska, oo hoos isku dhig weyn u sameeyay somaliland
Somaliya oo aan garab cad haysan marka laga reebo qaramada carbeed, oo ay ugu tun-weyn tahay Masar, oo iyaduba far-ku-ganbad ku jirta.
Somaliland oo fadhi kasta waxa ay ka rabto, si cad u garanaysa, ayna ka dhab tahay dadka hogaanka u haya in ay si cad uga midho dhaliyaan, waxa ay higsanayaan, si cadna ay uga muuqato fadhi kasata in ay waxa ay rabaan si buuxda uga hel
Somaliya oo mugdi badani kaga joro waxa ay madasha u timi, kaliyana midnimo qaraxa la soo taan

Intaasi waa inta ugu mudan ee labada dhinaca, madasha la yimaadeen, waana xogta dhabta ah ee miiska saran.

QAABKEE WADAHADALADU U SOCDAAN

Ugu horayn waxa guntu isgu soo biyo shubatay, laba qodob oo ah furaha dhibtan murugsan, oo ah kan Somaliland iyo Somaliya ka dhexeeya oo ah aan kala baxno. Hadaba dhibtan waxaa loo qaybiyaa laba oo kala ah

Dhibta weyn

Oo ah halka sartu ka qudhuntay oo ah, aan kala baxno oo ah sida aadka u xooga weyn, waana sida aan rabno hadii aan nahay bulshada Somaliland, in kastoo Somaliya ay rabto midnimo, oo ah sida taagta yar

Hadii labada qodob ee ay kala wataan labada dhinac mid la raaco, hawshu waa soo af-xidhantay, oo ku noqosho ma laha, waan ta kaliya ee gogosha loo fidiyay, waana ta uu ku qotomo biyo dhaca iyo gabagabada wadahadalku.

Waana ta kaliya ee si dhaba u soo af-meeri karta muranka, ka dhexeeya Somaliland Iyo Somaliya, mid aan taas hayna laga yeeli maayo labada geesood,

Dhib yarta

Oo ah furdaaminta, dhibaatooyinka yar yar, waana sida ay hada waxa u socdaan, labada geesood ku bilaabeen, in ay furdaamiyaan dhamaan dhib yarat oo dhan, taas oo aan waxa dani ugu jirin labada geesood, waayo waxa u taal hawshii ugu weynayd ee laga rabay in la furdaamiyo, hadii aan taas meel la isla dhigina, waxa kale waxa uu noqonayaa xumad jabiyayaal, se wali xanunkii waa meeshiisii, xumadiina waa halkeedii, waa la yara jabiyay uun.

FIIRO GAARA

Dhamaan waxan lagu wada heshiiyay waa furdaaminta dhib yarta oo ah xumad jabin kaliya, ee wali nabar waa halkiisii, somaliduna waxa ay tidhaa

Dusha milallka laga dhayo

Aan boogta loo dagin

Dawadiisa lama helo

Waligaaba duuduub

Dusha ubax ka saarsaar

Dakhar waa halkiisii

Waxa meesha lagu hayaa waa waxaas, ee wali dhib-weyntii, hooyada u hayd waxa, la rabo in la furdaamiyo, waa laga meeraysanayaa, iyada Somaliya si dhaba uga baqaysa in ay Somaliland uga jawaabto, waxa miisaka u saran, kaliyana waxa ay uga baqaysaa waa waxa jira oo aanay diidi karin, waxan ay uga gol leedahay, in ay ku seeto dheeraysato, oo sii siido aminta inta ay jiidi karto, se waxa aanay marnaba meesha soo dhigan, in ay geed-sare ay waabayso, gamhuna ay ku daaleen, dhibtii yarayd, iyo in gudida Somaliland dabada lagaga jiro oo weydiimo aad iyo laxaadi sugayaan, taasina waata keentay in ay shirkii ugu danbeeyay, waa lagu wada heshiisayay maamul wadaaga oo laa sameeyo hawada Somaliland Iyo Somaliya, iyada oo si cad meesha looga saaray mid ka mida labada qodob ee uu dabada ku hayo oo kala ah.

In loogu heshiiyay siyaasad ahaan, oo magaca xafiska loogu yeedhayo, Xafiiska Maamulka Hawada Somaliland Iyo Somaliya,

Taas oo ay si dhaba markii lagu heshiiyay ka dib ay ka baxeen Somaliya, sida uu sheegay wasirkooda War-faafinta, Isg-gaadhsiinta, Boostada iyo Gaadiidka, taas oo si cad u qeexaysa in looga gacan-sareeyay, arinkaas, oo keentay in ay ka baxaan wixii lagu soo heshiiyay.

In gudi farso loo saaro oo si wada jira u maamusha hawsha hawada, sal-dhigooduna yahay Magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Hadaba maxaa la gudbaan hogaanka wadankayga, oo ay ka qaadi karaan talaabo, ku aadan taasn, horta hadii ay diidaan iyo hadii ay ogolaadanba u daran, waayo, waxaa ka maqan kalsoonidii, iyo u diyaar-garawgii, waxan uu mugdi ka saaran yahay, waxa meesha ay ka rabaan waa Somaliyee.

Waxa aan ku soo af-meerayaa qormadan talooyin aan leeyahay hoganka wadankayga waxa dhabta ah ee aan ka rabno meesha soo dhiga, oo aan dhib weynta aan furdaamino, waxa dana oo inoogu jirataa ma jirto, geed –sare-waabkan.

Waxa aad miisaka soo dhigtaan

In ay si cad u qirtaan in aan ahayn laba qaran oo isku soo biiray 1/07/1960 kii, taas anaga oo ka duulaynana aan ka baxnay 18/05/1991 kii midnimadii aan idin la galnay
In uu yahay xuduudka u dhexeeya Somaliland Iyo Somaliya kii u dhaxeeyay, labdii qaran ee isku soo biiray 1/07/1960kii ee uu ka tagay, labadii maamul ee ka kala talin jiray, xadkaas oo la dhigay 1891-1907
in ay ay qirtaan xasuuqii loo gaystay dadka reer somaliland, isla markaana ay garab iyo gaashaan buuxa ku siiyaan somaliland sidii loo hor-keeni lahaa garsoorka
in ay magdhaw ka bixiyaan burburintii gayigeena somaliland, taas oo aan ku weynay dhamaan hantidii aan lahayn oo dhan, raadkeediina sii qoyan yahay.
In hantidii ay la hayd daawladii la isku odhan jiray somaliya, wixii ka nool si siman loo kala qaybsado, hadii ay tahay, safarado, diyarado iyo maraakiiba
In daynta lagu lee yahay somaliya wixii ka horeeyay 1991kii oo aan hub lagu soo iibsan, aan qaybteena qaadano hadii aan nahay somaliland, waayo, amintaasi waa xiligii ay si dhaba u burburaty wixii la isku odhan jiray somaliya, inaguna aan madaxbanaanideenii aan la soo noqonay, se waa in aynaan ogolaan daynta hub lagu soo iibsaday, ileen hubka waxaa loo adeegsaday, burburinta dhulekeena iyo bara-kicinta dadkeena

Lixdan qodob baan ah, kuwa aan ka rabno meesha, waxa gorgortan ahana kama gali karno, waayo waa gaf laga galay dhamaan dadka reer somaliland, meel ay joogaanba, kaliya igaya ayaa leh, waana waxa iga oo kaliya ku xidhan.

Somaliya iyadaa ayaa u madaxbanaan waxa ay miisaka soo dhiganayso, se hadii aan nahay Somaliland waxa aan mar kasta miiska inoo yaalaa waa waxaas.

Waxa aan ku soo ooday tix uu lee yahay Abwaan Cabdi Iidan oo uu si dhaba uu ugu sheegayo waxa ay Somaliya inag rabaan waxana uu yidhi Cabdi

Aan ku tumo

Hana iga tagin

Taagna kuma dheri

Hadii waxa ay maanta qarankeena ka rabaan, yahay taas, waxa aan si dhaba ugu leenahay hadii aan nahay reer Somaliland

Kan intiisa hagaajay

Dantiisana haysata

In uu hantidayda

Hadhuu u tosho

Anaa ka habaaran

Hadii uu nin hantidiisa haystaa, midayda yidhaa anigaa ka talinayaa, dee anigaa hurda oo waxba aan ahayn hadii aan ka yeelo

XUSUUSIN

© Xogta qormadan waxaa ay u dhawrsan tahay oo iska leh Cabdale Dahir

Qalinkii
Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Bartay Aqoontaka Xeerarka
15/08/2013

Comments are closed