XOG CULUS oo ay heshay qurbejoog: -Prof.Ismaaciil Max’uud Hurre Buubaa oo la wado in loo dhiibo Raysal wasaaraha Somalia iyo Magacyada Lix nin oo u sharaxan
Muqdisho 16Nov13(SDN) Xogag hoose oo ay heshay qurbejoog oo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa cadeynaya inay jiraan xubno miiska u saran Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud inuu u magacaabo jagada Wasiirka 1-aad kuwaasoo la filayo inuu magacaabo Madaxweynaha:
1-Prof.Ismaaciil Max’uud Hurre Buubaa oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ahaa Dowladihii ay Madaxweynayaasha ka ahaayeen C/qaasim Salaad Xasan iyo Marxuum C/laahi Yuusuf.
2-Prof. Maxamed Gaas: Waa Aqoonyahan laga ixtiraamo wadamadda Iskandaneefiyaanka, wuxuuna barre ka yahay Jaamacad ku taal Dalka Norway,waana khabiir wax laga weydiiyo arimaha Geeska Afrika, Professorka ayaa hadda degan Dalka Norway.
3-Maxamed Sheekh (Doodishe)waa Professor macalin ka ahaan jiray Dalka Sudan, wuxuuna ka mid yahay madaxda ugu sareeyso Ururka Damjadiid, wuxuu ka soo jeedaa Gobolka Gedo.
4-Dr Cismaan Galti: waa aqoonyahan dhalinyaro ah, kana so shaqeeyay Bangga Aduunka ee IMF, iyo Hey’addo Caalami sida UNDP iyo UNIPOS, waxaana lagu xasuustaa inuu madax u ahaa Kooxdii IGAD ee shirkii dib u heshiisiinta ee Eldoret ee Xukuumadii Madaxweyne C/laahi Yusuf lagu soo dhisay, wuxuuna ka soo jeedaa Puntland
5-Xuseen Cabdi Xalane: Wuxuu ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadii Farmaajo, mas’uulkan ayaa madax ka ah Ururka Save the Children ee Geeska Afrika.
6-maxamed abdulahi farmajo Oo Isaga Laga Yaabo Inuu xasan Sheekh maxamud U magacabo Ra’iisal wasaraha Inkasta Oo isaga Ka Caga Jidayo Inuu Noqdo ra’iisal wasaare.
qurbejoog.com
London