Xisbul-xaakimka KULMIYE oo Ka Hadlay Saan-saan Ay Sheegeen Inay Soo Dedejinayso Cimriga Golaha Deegaanka ee Gabiley
Gabiley Mar 21,2013(SDN)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabiley Amiin Muuse Xirsi ayaa sheegay in Maamul Xumo baahsani ka jirto xafiiska dhulka ee dawladda hoose ee Gabiley taasi oo sababtay isku dhacyo dhawr ah oo ka dhashay khilaaf dhuleed kuwaasi oo khalkhal galiyey ammaanka guud ee gobolka gaar ahaana Magaalada Gabiley.
Guddoomiyaha KULMIYE ee Gabiley oo Xalay Warsaxaafad soo saaray waxa uu sheegay in maamul xumo ka jirto xafiiskaas, waxaanu ku baaqay in wax laga qabto. War-saxaafadeedka Guddoomiyaha oo Dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:
“Sida aad la wada socotaan dalku waxuu dhawaan galay doorosho gole deegaan oo tacab iyo tamar badan la gashay waxaana ujeedada laga lahaa ay ahayd, in degmooyinka dalku helaan gole deegaan oo si hufan ugu adeega bulshada. hasayeeshee nasiib darrada dhacday waxay tahay in durba golihii deegaanka Gabiley saan saankiisu u muuqdo kuwa lagu hungoobay gaar ahaan gudida dhulka ee golaha deegaanka Gabiley .
Maxaa yeelay waxay sii libin laabeen mushkiladihii dhulka oo ah arin xasaasiya waxaanad moodaa in guddida dhulku tahay xadhig maran aan laba qof kala saarayn mudadaa yar ee ay xilka hayeena golaha deegaanka Gabiley waxaa dhacay kiisas badan oo nabad galyada gobolka waxyeelaya oo ah mushkilad ka dhalatay muran dhul waxaanan u aanaynayaa arintaa inay keentay maamulxumada gudida dhulka ee dawlada hoosee Gabiley waxaa isagu aan la mid ahayn gudidaa xoghayaha fulinta mudane Cabdiraxmaan Nuur Abokor oo waaajibaadkisa si fiican u gutto waxaan gebogebada anigoo ah gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabiley isla markaana maadaama aan gudoomiye u ahay xibul xaakimkii KULMIYE ee talada dalka hayay xil gaar ahi naga saran yahay gobolka waxaan ugu baaqayaa goloha deegaanka iyo wasaarada arimaha gudaha in arintaa mushkilada dhulka ee sii kordhaysa oo ah mid xasaasiya in wax laga qabto oo dib loo eeego maamul-xumada ka taagan xafiiska dhulka ee dawlada hoosee Gabiley oo durba ay is dul tuulmeen dacwado dhul wax kala soconayaana aanay jirin hadii wax laga qaban waaayana halkaa waxaa ka imanaysaa xaalad amni xumo maxaa yeelay arimaha dhulku waa xasaasi waxaana loo baahan yahay in loo xilsaaro dad xilkas ah waxaanan soo jeedinayaa in wax laga qabto maamulxumada gudida dhulka iyo dacwadaha is dul tuulmay xafiiska dhulka dawalda hoose ee Gabiley .
ALLA MAHAD LEH
AMIIN MUUSE XIRSI
GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE EE GOBOLKA GABILEY
SOMALILAND