|

“xisbiyadeennu, xisbiyo Ma Aha Nin Xishoonayaana ma geli karo, waana masiibadii qarankan….”Aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad

 

Hargeysa:29-Sep-2013(SDN)-Guddoomiyaha Golaha Aqoonyahanka Somaliland Xasan Jaamac Bacad, ayaa ka hadlay arrimo badan oo haatan ka taagan Somaliland, waxana uu Dhaliilo badan dusha ka saaray Xisbiyada qaranka ee Haatan ka jira Somaliland.

bacadAqoonyahan Xasan Bacad oo Maalintii shalay u Warramayey Qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladan cusub ee dalku haatan madaxa la galay, isagoo  sharraxaad dheer ka bixiyey u jeeddada ururkooda aqoonyahanka loo aasaasay.”Ujeeddada Golahani u aasaasan yahay waa  in wixii aanu u aragno in buslhadau ku taalayso aanu fikirkayaga kaga qaybqaadanno madal qof kasta oo aqoonyahan ah oo karti leh oo fikir toolmoon lihi uu ka soo qaybgeli karo, u jeeddadayaduna waa inaanu bulshada kala qayb qaadano Baahiyaha jira Haddii ay xukuumadda tahay iyo Haddii ay dadweynaha tahayba, waxanau nahay rag diyaar u ah Baahidan siyaasiga ah ee Haatan jirta inaanu fikirkayaga ka dhiibanno.” Ayuu yidhi Xasan Jaamac Bacad.

Sidoo kale waxa uu Xasan ka hadlay fikirkiisa ku  aaddan Madasha wadatashiga qaranka oo dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay oo uu aragti ahaan  soo dhaweeyey, “Toosinta qaranka waxanu u aragnaa inay dani ku jirto, qoddobada ay soo bandhigeenna waxanu u aragnaa qaar loo bahan yahay, annagu waxanu diyaar u nahay in madashu waxa ay ku qaldan tahay inaanu ka qabanno, sidoo kalena aanu dawladda u sheegno qaladka ay gasho.” Ayuu sheegay xasan Bacad.

Waxa kale oo uu aqoonyahankani ka hadlay dhibaatadii ay dadkii muwaadiniinta ahaa ee  reer Somaliland dhawaan gaadhsiisay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline, waxana uu dhaliilay qaabkii uu madaxweynuhu ugu jawaabay Tegitaankii shirkaddaas, waxana uu yidhi, “shirkadda Ethiopian Airline Kumanaan qof oo reer Somaliland ah bay dalka keentay oo kaga tagtay, Madaxweynuhuna arrintaas waxa uu ka yidhi kalmad qudha oo ahayd shirkadda Ethiopian Airline Dalka ma ay ceebayn, taasina dalka macno uguma fadhido ee waxa ugu fadhiya dadkan surbacaadka lagaga tegay, waxana aanu aamin sanahay inaanu madaxweynuhu qaadin tallaabadii habboonayd.”

Xasan oo Hadalkiisa sii wata, ayaa  yidhi,

“markii dhibaatada Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Gashay  waxa Haboonayd in Guddi madax Bannaan la saaro, taas oo baadha, Haddii dalka laga waayana aynu dibadda ka raadsanno oo soo kiraysano”

Shirkaddii shidaalka waddankeena ka baadhaysay  ee Genel Energy ayuu Aqoonyahan ka hadlay, waxana uu yidhi, “shirkadda Shidaal-baadhista ee Genel Energy waxa ay dalka ka soo gashay daaqadda, waxana watay rag soomaaliyeed oo gadhwadeen ka ahaa, qandaraasyadii la siiyeyna waxa ay u gudbiyeen shirkaddo shisheeye, waxan ay shirkaddina dhibaato weyn hore uga geysatay dalka maraykanka, walina way taagan tahay dhibkaas ay maraykanka ka gaysatay, markhaatina waxa waxa ka ah Hadalkii wasiirka Macdantu ku yidhi shirkaddu Boqol Milyan bay waddankeenna gelinaysaa Haddii ay wax ka weydana waxba inoo raaci mayso.”

Aqoonyahan xasan  Jaamac Bacad oo sii daba socda Hadalka wasiirka macdanta iyo sida aanu macquulka u ahayn ,ayaa yidhi, “Haddii aan raaco hadalka wasiirka,  Haddii ay shirkaddu tidhaahdo Gobolka Saraar waxan geliyey Boqol milyan iyadoo wax ka yar toban milyan Gelisay  yaa ku ilaalinaya, Waar Haddana shirkaddani sidii ay markii hore Daaqadda uga soo gashay ayey Haddan ALbaabka uga baxday, dhibkeediina wali waa taagan yahay, ilaa iyo imika dhibaatada ina haysaa waa sharci la’aan.”

Aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad waxa uu dhaliil culus dusha ka saaray axsaabta qaranka ee Somaliland oo uu sheegay inay ka baydheen ujeeddadii loo aasaasay, isagoo ku sheegay kuwa horsed ka ah in dalku galo qaab qabyaaladaysan oo ka leexsan milgihii toolmoonaa, waxana uu yidhi, “xisbiyadeenu xisbiyo Ma Aha Nin Xishoonayaana ma geli karo, waana masiibadii qarankan, dhibaatada ina haysataaba waa saddexdaas xisbi qaran, talada qarankuna waxa ay ka soo baxaysaa xisbiyadeena, Tusaale Haddaan soo qaadano Udub Golihii madaxweynaha Lagu dooranayey Madaxweynihii rayaale waxa uu soo istaagay cidi ilama tartami karto’e halla ii codeeyo, waana kii ku Baaba’ay,”

Xasan oo sii sharraxaya dhibaatooyinka axsaabtu dalkeena geliyeen, ayaa yidhi, “Haddii aynu Kulmiye u nimaadno Maalintii siilaanyo Madaxweyanah Noqday, ayuu yidhi Guddoomiyenimadii waxan ku wareejiyey Hebel, xisbuguna iskuma wareejiyo  madaxtinimada waana la doortaa oo Tartan baa ka dhaca, midhihii uu dhalay isku wareejintaasna waxa tusaale inoogu filan wixii ina cabdiqaadir ku dhacay.”

Xasan Jaamac Bacad waxa uu si aad ah u naqdiyey Qaabka ay madaxdeenu u shaqayso, waxana uu  aqoon darro ku tilmaamay hannaankii ay Golaha wakiillada Somaliland dhawaan u ansixiyeen Xeerkii waddooyinka, waxana uu yidhi, “madaxdeenna xafiisyada bal eeg laba saacadood nin xafiiskiisa fadhiyaa kuma jiro, sida wax loo Habeeyo ee  meel wax loogu ururiyo ma naqaanno, Golaha wakiilladuna waxa ay meel mariyeen Xeer dalka waddooyinka lagu dhisay, laakiin in diiduub lagu meelmariyaa waa xaaraan, iyadoo koonayaasha magaalada laga dudaharaadaya inay meel mariyaana waa aqoondarro.”

 

Ugu dambayntii waxa uu aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad xukuumadda madaxweyne siilaanyo ku tilmaamay mid iyadu aabbe u ah oo dhashay musuqu iyo qabyaaladda, kana baxsan Hannaanka lagu yaqaanno dawladda dimuqraadigga ah, waxana uu yidhi, “dawladdan uu madaxweyne siilaanyo hoggaaminayo waxa Burburinayaa waa musuq uu madaxweynuhu Aabo iyo Hooyo u yahay oo uu dhalay isagu, waxana uu aabo ugu yahay, wasiirka inankiisu uu Xoghaye u yahay sideebuu wasiir iigu noqon karaa, askarigu waa inankuu adeerka u ahaa, madaxweynuhuna wuu arkayaa.”

 

S.D.N

Contact@somaldiasporanews.com

Comments are closed