|

Xisbiyada Qaranka iyo Komiishanka doorashooyinka oo kala saxeexday Heshiiis Qaadhaan bixiyayaasha loogu gudbinayo qabashada diiwaangelin Madani ah

Hargaysa 17.July (SDN) Kulan ay maanta isugu yimaadeen Hay’adaha dastuuriga ah ee kala ah Xukuumadda, Xisbiyada Siyaasadda iyo Gudida Doorashooyinka Qaranka ayay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan diiwaangelinta Muwaadinka iyo Diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Afhayeenka gudida Doorashooyinka Qaranka Md Maxamed Axmed Xirsi Geelle uu kulankan ku soo bandhigay heshiiska la kala saxiixday kaasoo uu ku tilmaamay inay muddo wada tashi kala yeesheen axsaabta siyaasadda iyo dhinacyada ay khusayso qabashada diiwaangelinta loo bahan yahay

Wasiirka wasaaradda Arimaha gudaha ee Dalkan JSL Md Cali Maxamed warancadde ayaa furitaankii kulankaasi ka sheegay in ujeedada la isugu yimid ay tahay sidii mar walba si heer qaran ah loogaga tashan lahaa arimaha hor yaalla Somaliland, halka sidoo kalena kulankaasi lagu kala saxiixday heshiish sadex geesood ah oo ku saabsan diiwaangelinta dadka muwaadiniinta ah iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha Doorashooyinka.kaasoo ay qalinka ku wada duugeen dhinacyada kala ah, Xukuumadda, sadexda Xisbi Qaran iyo Gudida Doorashooyinka Qaranka.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Engineer Faysal cali waraabe oo kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhoweeyey hawsha diiwaangelinta muwaadiniinta, waxana uu ku tilmaamay in labada hawlood ee diiwaangelinta ah ay mas’uuliyadoodu saaran tahay Xukuumadda loogana fadhiyo inay mas’uuliyadda loo baahan yahay ku dhaqangeliso diiwaangelintaas.

Md Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku ballanqaaday in Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ay mar walba diyaar u yihiin qabashada diiwaangelinta iyo doorashooyinka soo beegan, dhinacyada kalena looga baahan yahay inay iska daayaan xajiimaynta oo wada shaqayn u soo diyaargaroobaan.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadani oo isna kelmadiisa ka jeediyey kulankaas ayaa sheegay inay xisbi ahaan si weyn u soo dhoweynayaan heshiiska golahaa lagu kala saxiixday, waxana uu xusay in Xukuumadda looga baahan yahay inay diyaariso dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda diiwaangelinta muwaadiniinta iyo codbixiyayaasha.

Heshiiskan maanta ay kala saxiixdeen dhinacyadani ayaa nuqul ka mid ah loo gudbinayaa wadamada deeq bixiyayasha ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland si ay u soo diyaariyaan qaybtii ay ku lahaayeen dhaqaalaha lagu bixinayo qabashada diiwaangelintani.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed