Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo diiday in ay la kulmaan Muuse Biixi
Hargeysa January 07, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Somaliland ee mudo dhaafka xilka ku sii jooga, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan saacado qaatay la yeeshay madaxda tobanka urur ee siyaasadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulnka ku casuumaad madaxda labada xisbi qaran ee Wadani iyo UCID, balse ka qeybgalka shirka.
Muuse Biixi, ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, waxa uu warbixin guud ka siiyey madaxda ururrada siyaasadda is-afgaradkii isaga iyo Abey Axmed Addis Ababa dhawaan ku dhexmaray, iyo wada-hadalladii dib uga furmay dalka Jabuuti ee u dhexeeya Somaliland iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Madaxtooyadu ma baahin sida madaxda ururadu uga jawaabeen warbixinta madaxweynaha, mana cadda sababta xisbiyada mucaaridku uga gaabsadeen ka qayb galka shirkaas.
Si kastaba ha ahaatee, Xisbiyada Mucaaradka ayaa horay u sheegay inaysan raali ka ahayn qaabka uu madaxweynuhu u maareynayo wada-hadallada Soomaaliya iyo Is-afgaradka Itoobiya, iyagoo walaac ka muujisay arrimaha sharciga iyo doorka baarlamaanka ee arrimahan.