|

Xisbiyada Mucaaridka oo Sheegay in Xukuumadu u diiday ka Qaybgalka Munaasibadaha Qallinjebinta ardayda Jaamacadaha

Hargaysa 12.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xoghayaha arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga cadaalladda iyo daryeelka UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf (Kabtanka), ayaa ka hadlay talaabo ay Wasiirka Waxbarashadu kaga hor-joogsatay Masuuliyiinta Xisbiyada mucaaridku inay ka qayb-galaan Munaasibadaha Qalin-jebinta, iyadoo kooto ugu xidhay Xukuumadda ay ka tirsan tahay, isla markaana shuruud adag ku xidhay ka qayb-galkooda.

Talaabadan oo ay hir-gelisay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa u muuqata mid ay Xukuumaddu cabsi ka qaaday booggaheeda iyo dhaliilaheedu markii ay bateen, isla markaana u adkaysan wayday dhaliilaha ay ku durayaan mucaaridku marka lagu sugan yahay goobaha sida Qalin-jebinta oo kale ah, waxaanay noqonaysaa arrin ugub ah oo Xukuumaddu ku kacday, kadib markii ay Xamil u yeelan waayeen Galdalloolooyinkoodda oo tiro beelay awgeed.

waraysi-salafXoghayaha arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga cadaalladda iyo daryeelka UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf (Kabtanka), waxa uu sidaa ku sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo nuqul ka mid ahi caawa soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com. waxaanu u dhignaa sidan:
“Waxaan halkan ugu hurayn uga faa’idaysanaya qoraalkaygan inaan halkan. Hambalyo aan lasoo koobi karin udiro. Dhamaan ardaydii ka qalin jabisay Jamaacadaha Dalka oo dhan. Waxaan leeyahay waxaad leedihiin Mustaqbal dheer ee waddankiina aamina ha tahriibina. Waxaan haysana waddan Hodana. Dawladii idiinka faa,idayn lahayd ayaan maanta jirin. Isha allahu way iman.

Ardaydan ka qalinjabisay Jaamacadaha Dalka. oo runtii ah wax lagu diirsado waa ubaxii wadankeena iyo raasamaalkeenii. Lakiin Xumuumada Maanta talada haysaa wayka naxaan kooxdii soo qalinjabisa. Sababtuna waxay tahay wax qorshe ah oo ay u Sameeyeen Majirto Sida darteed waxay Xukuumadu ku Baraarugtaa marka ardayda qalinjabinaysa lookeeno warkooda. Jawaabta Xukuumaduna waxay noqotaa

1> In wasiiradda Waxbarashadu marwo Zamzam shuruud uga dhigto Jaamacada laga qalinjabinayo inaanay soo casuumin Xisbiyada mucaaridka haday casuumana aanay hadalka siinin waa hadii ay doonayaan inuu madaxweynaha iyo wasiiradiisu yimaadan xaflada.
2>  In ardayda qalinjabinaysa hortooda aan lagu soo qaadin shaqaalayn iyo wax la mida
3>  In madasha qalinjabinta laga amaano xukuumada isla markana laga hor akhriyo waxqabadka xumuumada iyadoo lagu tiraabayo halku dhaga caanka ah ee Xukumadan oo ah( waa markii ugu horaysay).
Xukuumada waxaan u sheegaynaa ardaydan ka qalinjabinaysa Jaamacadaha inaanay wasiirada Xukuumada oo ay u horeeyaan Samaale maaliyada iyo Xirsi X. Cali madaxtooyada uga baahnayn casho hal habeen lagu sasabo dibna aan loogu soo noqon. Inaanay sidoo kale ardaydu u baahnayn in inta lala shiro gudiyo loo sameeyo kadibna inta haybtooda lakala saaro intay wasiirada isku qabiilka yihiin shaqo loo balan qaado inta kalana dhagaha laga furaysto si ay waddanka uga tahriibaan.

Ardayda muwaadiniinta ah ee dalkooda wax u bartay waa in dowladu siyaasad cad oo ay shaqo ugu abuurayso ka fikirta intaanay gaadhin waqtiga ay qalin jabinayaan. Xukuumadu lacagaha ay lunsadaan wasiiradu ee qayrul caadiga ah shaqo abuur waa loogu samayn karaa tusaale ahaan waxaa ay samaysay xukuumadani haayado aan wax ay qabtaan la arag oo lacag badan lagu lunsado sida haayada abaabul kasaarka qaranka. Sanadkii waxa miisaaniyada loogu daraa haayadaas abaabul kasaarka 10 Milyan oo Dollar. Lacagta intaas leeg sida u dhantahay waa la lunsada oo waa lawada ogyahay. waxii shaqo dalka kasoo baxana hab qabiil ayay wasiiradu ku qaybsadaan. Tusaale ahaan wasiirka maaliyada Abdiaziiz Samaale waxa uu dhawaan shaqadii ay wasaarada maaliyada u hayeen ka fadhiisiyey labaatan gaar ahaan gobalada Salal iyo Awdal kadibna waxa uu ku badalay labaatan shaqaale cusub oo ay isku beelyihiin waana mid ka mida sababihi ay ka cabanayeen reer Awdal ee madaxweynaha loo soo gudbiyey.Hadaba hadaan loo kala abtirin way deeqaysaa.

Ugu danbayntii waxaan ugu baaqayaa Xukuumada inay wax ka badasho siyaasadeeda ku aadan ardaydan maalin walba qalin jabinaysa ee ay dhagaha ka furaysteen. maskax caafimaad qabtana lagu eego ubadkeena. Ardayda qalin jabinaysana waxaan leeyahay (you have a bright future ahead) Mustaqbal fican ayaad leedihiin wax walbana wadankiina ayaa idiinka muhiimsan marka waa inaan marnaba in wadanka laga tago aanay xalka kaliya ahayn.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed