|

Xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee ku hardamaya Doorashooyinka Aqalka Cad ee Mareykanka iyo Soomaalida Ohio

Columbus Oct 31,2012(SDN)-Xisbiyada Dimuqraadiga iyo ka Jamhuuriga ee bisha inagu soo fool leh ku hardemi doona xilka madaxtinimada Mareykanka ayaa si weyn ugu loolamaya taageerada Soomaalida Gobolka Ohio.

Ohio ayaa ah mid ka mida gobolada faro ku tiriska ah ee aan ilaa hada kala raacin labada musharax ee Barack Obama iyo Mitt Romney.

Xisbiyada ayaa laba habdhaqan ku wejahay codadka muhiimka ah ee Soomaalidu ku leedahay gobolka Ohio.

Soomaalida ayaa magaalada codadkeeda lakala jiidanayo ee Columbus waxa codkooda lagu wadaa in ay ka dhiibtaan ilaa 18,000.

Haadaba xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga ayaa Soomaalida halkii uu ka xodxodan lahaa eedo iyo dhaleeceyn isugu daray.

Haweeney gollaha degaanka ee Powell Ohio laga soo doorto oo la yidhaahdo Sarah Marie Brenner ayaa Soomaalida ku eedeysay in ay qeyb ka yihiin qorshe ay wadaan xisbiga Dimuqraadiga oo dib loogu dooranayo madaxweyne Obama.

Haweeneyda ayaa Soomaalida Ohio ku sheegtay dad sharci daro Mareykanka ku jooga lana doonayo in ay si sharciga ka baxsan ay ugu codeeyaan Obaama.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa heli kari lahaa taageerada Soomaalida oo dhaqanka,diinta iyo ganacsiguba muhiimad gaara u lee yihiin sida taageereyaasha Jamhuuriga oo kale.

Halka xisbiga Dimuqraadigu uu si weyn u xodxoto Soomaalida kol walba oo doorasho jirto,

Xafiisyada ka shaqaaleeyo Soomaalida,balse doorashooyinka dabadii uu Soomaalida iska iloobo.

Soomaalida ayaa looga baahan yahay in ay codeeyaan xisbiyadana ay la xisaabtamaan mar walba.

Doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka ayaa sanadkan si aan caadi aheyn isha ugu soo duwday Soomaalida gobolada tartanku sida weyn ugu xoogan yahay ee Ohiona ugu horeyso

Comments are closed