|

Xisbiya mucaaradku goormay keenayaan barnaamij siyaasadee​d shacab-kus​e goormay la xisaabtama​yaan xukuumadoo​da?

Jamhuuriyada Somaliland waxa laga joogaa dhowr iyo toban sanoo  markii Cigaal Ku Dhawaaqay Nidaamka Xisbiyada Badan Sababta Ugu Weyni
Waxay Ahayd Inuu Dalku Kaga baxo hanaanka beelaha iyo qabyaalada si loo helo Dal iyo Dad isku duuban, oo xisbiyada qarankuna dadka ku soo jiitaan balanqaadyo iyo siday wax kaga badalayaan xukuumada markaa jirta ee ay dhaliisha u jeedinayaan.

Saddexdii xisbigi qaran ee jiray ee turtamay kursiga dalka ugu sareey oo kala ahaa :

  1. UDUB xisbi xaakinkii markaa talada dalka hayey ahaana ururkii loogu hor magaacabay Somaliland  uu musharax  u ahaa madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin
  2. KULMIYE oo ahaa xisbigii markaa loolanka adag kula jiray xukuumadii UDUB oo musharax u ahaa madaxweynaha maanta kursiga ku fadhiya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
  3. UCID oo ahaa xisbiga kale ee mucaaradka ahaa uu masharax u ahaa Faysal Cali Waraabe

Sadexdaa xisbi ee aan kor ku-xusay  waxay soo bandhigeen loolan adag wayna ka soo baxeen tijaabadii ahayd in laga bixi karo nidaamka beelaysan oo loo gudbi karo Nidaamka xisbiyada badan. Taasina waxay soo jiidatay indhaha beesha caalamka waxayna soo noolaysay quluubta shacabka somaliland oo ay ka guuxaysay kaligii taliyihii dawladii Somali ee Siyaad Barre. Waxay yaqiinsadeen in ay codkooda ku dooran karaan hogaamiyaha ay ku qancaan inuu dalka hogaamin karo, kuna ridi karaan codkooa xiliga doorashadu gaadho  haddii helaan cid u dhaanta.

Hadaba maanta ma dib bay u noqonay? Mise dimuqraadiyada ayaa ina biyo dhigtay?

Qofka bini’aadamka ah weliba Afrikaanku siiba Somalidu waxay  jecel yihiin shayga cusub ee dhaldhalalka leh mana eegno maxaa hoosta kaga lamaan ama tayadda shayga. Xisbiyadii hore weliba xisbigii mucaaradka ahaa wuxuu soo bandhigay buug uu ku qoray  balanqaadyo badan in badan wuu fuliyey qaarna way dhiman yihii. Laakiin maanta xisbiyada mucaaradka ah maxaan ku doortaa ee dhaliisha ay sheegayaan ay kaga bedalayaan?

Ma waxaan ku doortaa oday Telefishanka soo fadhiista oo leh hadaanu reer hebel nahay?

Mise kolka kii Durbaan been ah tumaya ayaa igu guuraya oo kursi kolba igu fuulayaa ?

Maanta xisbiyada jiraa mid barnaamij siyaasad cad soo bandhigay ma jiro,  siiba xisbiyada mucaaradka ah . waxbaa la cunay  uun bay leeyihiin sida waxa la cunayo ay iyagu maarayn lahaayeen sheegi maayaan. lakiin shacabka Somaliland goormuu ka baxayaa in awrka lagu kacsado.

Lama helayo is bedel ilaa nidaamka  shacabku bedelin oo aanu la xisaabtamin dawladooda.

  • Waa in aynu garanaa shilinkasta oo degmooyinkeena ilaa xukuumada dhexe soo gala aynu  xisaabtana wuxuu ku baxay iyo inta soo haday waayo waa .
  • Waa inay dooranaa qof aqoon leh oo iska ilaalinaa mucaarad kursi inagu fuula hadhowna calaacal iyo tii hore ayaa fiicnayd ka bixi mayno.
  • Waa in aynu iska eegnaa ragii hore ee dawladii hore ku fashilmay ee xisbiyada mucaaradka inoo soo raacaya.

 

Mire Maxamed Xuseen (asprin)

Hargeisa Somaliland

0634486493

 

 

Comments are closed