Xisbiga Waddani oo Xukuumada ku eedeeyay inaanay Wasaaradihii Dawladu Fasax isaga Jiraan
Hargaysa 13.July 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa xukuumadda uu gahdwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku eedeeyay in aanay wasaaradaha dalku shaqadoodii hayn isla markaana ay fasax sikaga jiraan oo aanay wax shaqo ahi ka socon oo aanay immanin masuuliyiintii shaqada lahayd.
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Saalax Maxamuud(Shiini)waxaa uu intaa ku daray in uu tegay qaar ka mid ah Wasaaradaha dalka oo uu ka doonayay shaqada ay bulshada u qabtaan wax ka mid ah oo kaga xidhnaa laakiin aanu cidnaba ugu tegin.
“Wasaaradaha Dawladda wax shaqo ah oo a socotaa ma jirto dadkii u tegay in ay ka helaan wasaaraduhu adeegga ay dadweyaha u hayaanna waxay tagaan oo kaliya wasaarado ku jira dhismayaal cusub oo qurux badan isla markaana ay yaallaan kuraas iyo miisas cusub laakiin masuuliyiintii xilka ka haysay ay fasax ku wada jiraan,hadaba waxay is weydiintu ahay goormuu dalku fasax galay,yaase fasaxay wasiiradan aan joogin xarumahoodii shaqada.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbig Mucaaridka ah ee WADDANI.
Waxaanu intaa ku daray in Wasaarada Masuulkii ugu sarreeyay uu joogana uu isku wareejiyay askar oo aanay cidina u geli Karin isla markaana aan dadka wax adeeg ah loogu hayn.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com