|

Xisbiga Waddani Oo Maanta Hargaysa Ku Qaabilay Taageerayaal Mug Iyo Miisaan Leh Iyo Siyaasiyiin Hore Oo Horkacayay

waaaaHargaysa:12,June,2014(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ayaa Maanta Magaaladda Hargaysa ku soo dhaweeyay Taageerayaal Mug iyo Miisaan leh oo Xisbigaasi ku soo biiray.

Taageerayaashan Cusub ee Maanta ka mid noqday  Xisbiga Waddani,ayaa waxay Horkacaya Siyaasiyiintii ugu Fadala-cadaa Xisbigii Somaliland Mudada dheer ka Ariminayay ee  UDUB.

Dadka Maanta Madasha ka muuqday ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirkii Dawladii Rayaale u Qaabilsanaa Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Md. Siciid Sulub Maxamed,Wasiirkii Arimaha Haweenka ee Daahir Rayaale Kaahin Marwo: Faadumo Suudi iyo Siyaasiin kale oo si weyn looga yaqaano Somaliland.

Xafladan Maanta oo lagu qabtay Hotelka Ambassaddor  ee Magaalada Hargaysa,ayaa waxa kazoo Qeyb galay Hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,oo uu horkacayo Gudoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro,Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Maxaxamed Cabdi Uur-cade.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cirro,oo sheegay inay si kal iyo Laab ah usoo dhawaynayaan Taageerayaasha Maanta Xoogoodi ku soo biiriyay Xisbigiisa.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Arimaha Dalka sida:ku dhaqanka Shuruucda iyo Qawaaniinta Dalka oo uu si toos ah ugu Eedeeyay Xukuumada uu Gadh-wadeenka ka yahay Axmed Maxamed Siilanyo inay Si badheedh ah ugu tumatay Shuuruucdii dalka u taalay iyo Kala-xadaysnaantii Laamaha Dawladda.

Waxa kale oo Gudoomiye Cirro Xad Gud iyo Wax aan la qaadin Karin ku tilmaamay Xadhiga ay Xukuumadau kula kacaday qaar ka tirsan Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Burco iyo Berbera,isaga oo Xukuumadda usoo jeediyay inay dhawrto kala madax-banaanaanta Waaxyaha kala duwan ee Dawladda.

Waxa isaguna halkaasi hadal-dheer dhinacyo badan taabanaya ka Jeediyay Siyaasiga Caanka ah ee Siciid Sulub,oo ka mid ahaa Dadkii iyo Taageerayaashii Munaasibada loo qabtay.

Ugu horaynba waxa uu si aad ah uga Mahadceliyay Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani oo ku sifeeyay Qaar haya Tubtii Guusha iyo Horumarka.waxaana uu si qoto dheer uga sheekeeyay waxaii ku kalifay inuu ka mid Noqdo Xisbiga Waddani,isaga oo sheegay inay Mudaba Baadhitaan ku wadeen Xisbiyada kale ee ka jira Dalka,Waddanina uu Noqday Kii Qanciyay,una arkeen Xisbi lawada leeyahay oo ay cid kastaaba ka dhex muuqato.

Ugu danbayntiina waxa hallkaasi ka hadlay Madax badan,Cuqaal,Salaadiin iyo Waxgarad oo dhamaantoodaba iska daba-maray ujeeda Kulanka Maanta,Doorashooyinka Soo socda iyo sida ay tahay in Xisbi ahaan laagu Diyaar garoobo iyo in si wada jir ah looga wada shaqeeyo Nabada iyo Xasiloonida Guud ee Dalka.

SDN/QJ-Hargaysa

Daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed