Xisbiga Waddani oo ka fal celiyay Sababta ay ku qaadaceen ka qayb galka doodaha Telefishanka Qaranka Somaliland DAAWO
Hargeysa:Mar,18,2015(SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka Jawaabay Sababta ay ku qaadaceen ka qayb galka Dood uu Habeenkii Xalay qabanayay Telefishanka ay Xukuumadu maamusho ee SLNTV Kaas oo u baaqday Maqnaanshahooda.
Doodaas oo la rabay in lagaga hadlo Xaalada uu haatan dalku ku Sugan yahay iyo dhawaqii dhawaan ka soo yeedhay Komiishanka Doorashooyinka qaranka oo ay sheegeen in dabayaaqada Bisha July ay qaban doonaan Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Siduu qorshuhu ahaa oo Xarunta Telefishanka Yimid Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye,Iyo Wasiirka Warfaafinta oo dhanka Xukuumada ka socday.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa Maanta ka Hadlay Sababta ay uga soo xaadiri waayeen doodaas.