|

Xisbiga Waddani oo beeniyay inay ku gacan saydheen Shirweynihii Talo Qaran,Shaaciyayna Mawqifkooda dhabta ah

Hargaysa 26.October 2013 (SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah e Waddani ayaa maanta beeniyay War lagu baahiyay Wargayska Saxan Saxo oo ka mid ah Warsidayaasha ka soo baxa Caasimada hargaysa isla markana lagu sheegay in Xisbiga Waddani uu ku Gacan saydhay Shirweyne Talo qaran oo Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranku ku sheegeen inay qaban qaabadiisa ku wareejiyeen labada Xisbi Mucaarid.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani

Axmed Muumin SeedMd, Axmed Muumin Seed ayaa Sheegay in Warkaasi yahay  been abuur cad oo lagu jaahwareerinayo bulshada somaliland, Xisbi ahaan waanu soo dhaweynaynaa shirkaas ay nagu wareejiyeen Madasha Wadatashigu, Xisbiguna wuu ka tashanayaa sida loo waajahayo.
Labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID waxay soo saari doonaan go’aan midaysan oo lagu waajahayo arrintaas.
Bulshada Somaliland iyo Madasha Wadatashigana waxaanu u cadaynaynaa in warkaas saxansaxo qortay yahay been abuur cad oo loola badheedhay in lagu kala dilo Madasha Wadatashiga iyo mucaaridka gaar ahaan Xisbiga WADDANI.
Waxanu bulshada leenahay ma jirto meel aanu ku diidnay ama ku gacan saydhnay shirkaas balse gacmo furan ayaanu kusoo dhaweynaynaa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com

Comments are closed