Xisbiga Waddani ee Qaarada Yurub oo Hambalyo u diray reer Somaliland
Anigoo ku hadlaya Afka Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Qaarada Yurub Waxaan sanadguurada 24 ee gooni isutaaga S/land awgeed halkan hambalyo Qaali ah uga dirayaa dhamaanba Shacabka S/land Gudo iyo Dibadba. Si taas la mid ah waxaan kaloo halkan uga hambalyaynayaa Xisbiga Waddani oo kaalin muuqata mar-walba kaga jira Ictiraaf u raadinta S/land iyo weliba illaalinta, U-nixida iyo U-tudhista dalka iyo Dadkan ay xukuumada hada talada haysataahi ku mashquulsan tahay kala-eryida, burburinta iyo Cabudhintooda.
Sanadkan ka Xiga waxaan Illahay inooga baryayaa Helida Aqoonsi Buuxa oo Caalami ah iyo Dawlad Dadkeeda iyo Dalkeedaba u tudha oo inoo bedesha xukuumadan hada taladii Dalka iyo Dadkaba la ciirtay.
Afhayeenka Yurub ee Xisbiga Waddani
Qasim A SaleebaanÂ