|

Xisbiga Wadani oo Xukuumada ka dalbaday inay ka dhabayso Wada Tashigii Qaran ee ay hore ugu dhawaaqday iyo Arrimo kale

Hargaysa 18.March (SDN)   Xisbiga Wadani ayaa Mar kale ku Celiyay In Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay rumayso taladii qaran ee ay hore ugu sheegtay in hadii ay Somaliland ka qayb galayso Shirka London ay Wada tashi Mug leh kala yeelanayso Xisbiyada Siyaasada,Golayaasha Qaranka,iyo Qaybaha Bulshada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Gudida Arrimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye ayay Sidoo kale kaga hadleen Safarkii Madaxweynaha ee Wadanka Turkiga,Shir ay Xukuumadu hore u Iclaamisay oo ay Tilmaameen in Hoose ay Casuumadiisu u socoto, Halka uu Marayo Wada hadaladii uu Socday Labada dal ee Somalia iyo Somaliland iyo Arrimo kale.

Warsaxaafadeedkan oo dhamaystiran ayaa u dhignaa Sidan:- Tan iyo intii ay soo baxday hadal haynta shirka Somalida loogu qabanayo magaalada London ee carriga UK, bisha May 2013. Xisbiga WADDANI wuxuu bilaabay xog ururin balaadhan si uu uga qaato mowqif saxa oo ku dhisan xog sugan iyo macluumaad dhamaystiran. Xisbigu wuxu qiimeeyey dhacdooyinkii xidhiidhka ahaa ee gogol-xaadhka u ahaa shirkan:

  1. a.      Socdaalkii Madaxwaynaha Somaliland ku tegey London iyo wixii ka soo baxay.

Madaxwayanaha Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Siilaanyo iyo koox wasiiro ah uu hogaaminayo ayaa socdaal ugu baxay wadanka UK  (Taariikh), waxanu madaxwaynuhu ku macneeyey inuu safarkaasi ahaa “martiqaad rasmiya oo dawlada Ingiriisku u fidisay, lagana wadahadlayo xidhiidhka labada dal, amniga iyo taageeradii UK siin jirtey Somaliland”

Kadib wadahadalo dhexmaray madaxwaynaha iyo Xogahayaha arimaha dibadda Britain, William Hague, wuxu xoghayuhu  qoraal ku cadeeyey sidan “We discussed with President of Somaliland to prepare grounds for Somali Conference in London on May 2013” oo macnaheedu yahay “Waxanu ka wada hadalay madaxwayanaha Somaliland sidii loo diyaarin lahaa shirka Somalida ee ka dhacaya London bisha May 2013. Mar uu madaxwaynuhu la hadlayey qaar ka mid ah Jaliyada Somaliland ee degan UK waxa uu yidhi “Ma tegayno shirka May ee London, hadii aanu aragno inaanu dan u ahayn Somaliland” ugu dambayn, madaxwaynuhu markuu ku soo noqday dalka wuxu ku tiraabay “in arinta shirka Somalida ee London ay Somaliland ka yeelanayso talo qaran”

 

  1. b.      Socdaalkii Madaxwaynaha Somaliland ku tegey Turkiga

Mar labaad, madaxwaynuhu wuxu socdaal ugu kicitimay wadanka Turkiga bishan March … 2013. Iyadoo sidii caadada u ahayd xukuumadu ku macnaysay “martiqaad rasmiya oo Turkigu u fidiyey Somaliland, ujeedaduna tahay adkaynta Cilaaqaadka Qoraal rasmi ah oo isna kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Turkiga ayaa si cad u qeexay  in madaxwaynaha iyo 5 wasiir oo Somaliland ahi la kulmeen Wasiirka Arimaha dibadda Turkey, Mr Davutoğlu. Kulankaas kadib, Mr Davutoğlu wuxu ku nuuxnuuxsaday in Turkigu ilaalinayo wadajirka dhul iyo qaran ahaaneed ee Somalia  Markale, madaxwaynuhu markuu kasoo laabtey Turkiga wuxuu ku baaqay in guud ahaanba Somaliland qaadacday shirka London oo aanay tegayn”

 

Xisbiga WADDANI waxa u cadaatey in:

  • Shirka May ee London loo qabanayo sidii caawimo loogu ururinayo Somalia
  • In shirkaas ay wada gudoominayaan Xoghaye Hague iyo Xasan Sh. Maxamuud
  • In meeqaanka Somaliland ee shirkaasi uu la mid noqonayo maamul goboleed Somaliya ah
  • In xukuumadu aanay qayb ka ahayn lagana talo gelin Agenda-ha shirarka London
  • In madaxwaynaha la geeyey shirar iyo booqashooyin aan ujeedadoodu bislayn ama cadayn
  • In qaabka ay xukuumadu u maamushay ama uga warbixisay shirarkaasi ay aad u hoosaysay, oo ay bulshada Somaliland ka qarsoontahay xogta dhabta ah ee ku saabsan shirkaas
  • In xukuumadu ka xaadirtey gogol-xaadhkii shirka London, kuna baaqday “talo-qaran” hadana iyadu uun qaadacday shirkaas iyadoon la tashan: golayaasha qaranka, xisbiyada qaran, aqoon yahanka Somaliland iyo qaybaha bulshada toona
  • In xukuumadu jahawareer ku riday bulshada iskuna labtey shirka London ee Somalia iyo shirarkii Somalia iyo Somaliland oo aan wejigoodii labaad weli la muddayn.

 

  1. 2.      Shirka xukuumadu ku baaqday inay Hargeysa ku qabanayso 30-31 bishan March 2013

Waxa lala wada socday iclaamintii af-hayeenka madaxtooyada uu ku tiraabay in shirkii qaran ee xukuumadu ku baaqday uu qabsoomayo 30-31 March 2013. Waxanu kaloo aynu og nahay in Xukumaddu si aan qorshaysnayn casuumado u qaybinayso iyadoo aan wax talo ah laga siin axsaabta qaranka iyo golayaasha toona!

  1. 3.      Halkuu marayaa Wada hadalkii Somaliya iyo Somaliland?

Waxaynu la soconaa in xukuuumadda hadda joogtaa ay wax ka bedeshay qaabkii loo waajihi jirey siyaasadda Somaliya iyo Somaliland. Wax yar uun kadib markii xisbiga Kulmiye ku guulaystey talada dalka, Xukuumadda Siilaanyo Waxay u ololaysay in laga gudbo siyaasadii “diidnay” oo loo gudbo in toos loo horfadhiisto Somaliya si degdeg ahna loo beddeley xeerkii oo laga dhigay in la tago meeshii danta Somaliland ku jirtoba.

 

Gunaanad iyo Talo soo jeedin

1. Madaxweynuhu wuxu u dhoofay dalka Turkiga iyadoo la sugayo “shirkii talo-qaran” oo loo fahmay in guud ahaan lagaga tashanayo Wadahalada Somaliland iyo Somlia, gaar ahaana shirka bisha May ee London. Haseyeeshee markii Madaxweynuhu ka soo laabtay Turki, wuxuu ku dhawaaqay in aynu shirkaa qaadacayno. Halkaa xukuumaddu way marin habaabisay ee waxay ahayd inay bandhigto  xog sugan, agendaha rasmiga ee shirka kuna go’aan qaadato talo-qaran.

Xisbiga WADDANI wuxuu aaminsanyahay wadahadalada Somalia lala gelayo  in ay siyaasad iyo istraatajiyo middaysan ay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah iyo hay’adaha muhiim ah ka wada yeeshaan, oo ay qormo muhiim ah ka gasho siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland.

Xisbiga WADDANI wuxu ku talinayaa:
1. In ay Xukuumaddu ummadda ka saarto jahawareerka shirka London iyadoo inta badan W/Khaarijgu ku celceliyo “shirkaa yaan dadka lagu wareerin iyo wixii la mid ah” xaqiiqaduna ay tahay in Xukuumaddu ku hafatay siyaasaddii arrimaha dibedda.

2. Mawqifka rasmiga ah ee Xisbiga WADDANI ee ku aadan shirarka lala galayo Soomalia waa in aan somaaliland ka qaybgelin wax ka hooseeya meeqaam laba dawladood oo wada hadlaya.

3. In Shirka ay Xukuumaddu ku magacawday “Talo-qaran”  una muddaysay 30-31ka March,  in ay kelideed maamulatay kana qayb gelin xisbiyadii qaran  natiijada ka soo baxdaana aanay ku sifoobayn “Talo-Qaran”.

4. In loo baahanyahay in Xukuumaddu ay si dhow uga talogeliso xisbiyada mucaaradka arrinta “Wadahadalka Somalida” si aynu u yeelano mawaaqif qaran oo midaysan oo danta ummadda u adeegaya.

5. In Xukuumadu la timaado siyaasad arimaha dibadda oo hufan, dib u eegidna ku samayso siyaasadda arimaha dibadda oo hadda u muuqata mid oodan oo aan u cuntamayn qarankan.

6. Ugu damabayn, waxaanu uga digaynaa Xukuumadda Kulmiye in ay keligeed iska maamulato arrimaha saamaynaya masiirka ummadda.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed