|

Xisbiga Wadani oo uu la Midoobay Urur Siyaasadeedkii Ummada,iyo Madal Kulmisay Siyaasiyiin Damac Madaxweyne lahaa .

Hargaysa 22.Jan (SDN) Urur Siyaasadeedkii Ummada ee ku hadhay tartankii doorashada Golayaasha Deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Wadani, iyadoo Munaasibada arrintaas ku saabsana lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Caasimada Hargaysa .

Waxaa Midowga Ururka Ummada iyo Xisbiga Wadani ka soo qayb galay Hogaanada Ururka Ummada iyo ka Xisbiga Wadani,Salaadiin,Aqoon yahano iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan.

Waxaana Munaasibada Midowga Xisbiga Wadani iyo Ururka Ummada lagu Shaaciyay awood qaybsi Siyaasadeed oo ay isku Xulufaysteen.

 

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedkii Ummada Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo Madashaasi ka hadlay ayaa Sheegay in markii ay la tashi la sameeyeen Madaxda iyo Taageerayaasha Ururkii Ummada ay ku wada qanceen inay si buuxda ugu biiraan Cududoodana ku taageeraan Xisbiga Wadani, Waxa uu Dr Gaboose Meesha ka saaray inuu Wax damac ahi kaga jiro Kursiga Murashaxa Madaxweyne nimo ee Xisbiga Wadani, Waxaanu hoosta ka xariiqay inaanu kula tartamayn ee u hanaynayo Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro.

Dr Gaboose Waxa uu Kula dardaarmay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani inuu qaato hanaanka Mucaaridnimo,Waxaanu Sheegay inay kaga cabsi badan tahay Duufaanada Siyaasadeed ee ka dhacay Maraykanka,Duufaanka ka socda Gudaha Somaliland.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose Waxa uu  balan qaaday inuu si hagar la,aan ah ula shaqayn doono masuuliyiinta xisbiga Waddani.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” ayaa hadal uu ka jeediyay Munaasibadaas waxa uu ku soo dhaweeyay hogaanka iyo Taageerayaasha Ururkii Umada ee la Midoobay Xisbiga Wadani waxaanu Sheegay in Xisbigani yahay mid ka wada dhexeeya Dhamaan  Ummada Somaliland isla markaana aanay jirin Cid Gooni u sheegan karta .

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani waxa uu cadeeyay inaanu jirin Saamayn uu Qadiyada Qaranimada Somaliland ku keenayso  Aqoonsiga uu Maraykanku u fidiyay Wadanka Somalia ee ay Colaaduhu Halakeeyeen.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Rays Xasan Gaafaadhi oo halkaasi ka hadlay ayaa Soo dhaweeyay Midowga Xisbiga Wadani iyo Urur Siyaasadeedka Ummada waxaanu Sheegay in loo baahan tahay in dadka intiii isku mabda’a ahiba inay ku midoobaan Masaaliixda ka dhexeeya .

Axmed Kayse Xasan Maxamed  oo isaguna ka mid ah  masuuliyiinta ururka Umadda  oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay qodobada ay ku heshiiyeen ururka Umadda iyo xisbiga Waddani waxaanu yidhi ?Ka dib markii  aanu aragnay mabaadiida aasaasiga ah ee xisbiga Waddani inay  tahay mid ku dhisan mucaaridad wax dhista oo danta dalka iyo dadka u taagan.

Markii ay labada dhinac arkeen qodobka 14aad ee sheegaya  in ururkii hadhaa uu ku biiri karo xisbiyada soo baxa.

Markii ay arkeen qodobka 22aad  farxada 7aad ee xeerka xisbiga Waddani ee tilmaamaya in la kordhin karo xubnaha golaha dhexe,golaha fulinta iyo hogaanka xisbigaba.

Markii ay isla afgarteen in qaab dhismeedka xisbiga Waddani laga siiyo saami qaybsigii ay ku qanceen

Ka dib markii aylabada dhinac wada hadal qoto dheer ka yeesheen isku tagooda

Waxay go,aansadeen In ururka Umaddu kusoo biiro xisbiga Waddani,maanta oo salaasa ah taariikhduna ay tahay 22/01/2013.

Hadaba waxaanu ku war gelinaynaa dadweynaha Somaliland iyo hay?addaha ay khusayso arintani  inay sidaa ula socdaan.

Gudoomiye  ku xigeenka labaad ee ururka Umadda Cabdirashiid Maxamed Cali oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey go,aanka ay ugu biireen xisbiga Waddani ?mar kasta waxaanu muhiimada koowaad siinaynaa cida aanu u  aragno inay wado danta dalka iyo dadka sidaas darteed waxaanu  ku biirnay xisbiga Waddani anaga oo ka duulayna danta dalka iyo dadka, xildhibaanada golaha deegaanka ee ka soo baxay  ururka Umadda iyo guud ahaanteenba maanta waxaynu ka mid nahay bahweynta xisbiga Waddani, waxaanu rajaynayaa inaynu  danta dalka iyo dadka ka wada shaqayno iyo horu  marka dalka, waxaanan rajaynayaa in xisbiga  guulaysto.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee ururka Umadda Qaasim Ibraahin Tubeec oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo go,aanka ay ugu biireen xisbiga Waddani.

Cali Maxamed Waran Cade oo isaguna ka mida masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo Madashaasi  ka hadlay ayaa sheegay in xisbigoodu soo dhawayno hogaanka ururka Umadda ee maanta ku soo biiray “waxaan aad iyo aad u soo dhawaynaynaa madaxda iyo taageerayaasha ururkii awooda badnaa ee Umadda oo aanu maanta ku walaalownay miiskii aanu shalay  ku hirdamaynay , isku taga ururada iyo asxaabta waxay saldhig balaadhan u noqonaysaa inay bulshadu ka baxdo qabyaalada, waxay  sal dhig u tahay inay tusto inay bulshada Somaliland wax wada leeyihiin, waxaynu caalamka u sheegaynaa in ururadii sida adag u tartamay ay maanta u taagan yihiin danta dalka Somaliland,Isku taga ururadu waxay saldhig u tahay inaynu samayno mucaaridad adag oo ilaalisa danta dalka iyo dadka iyo inaynu ilaalino ujeedada shacabka Somaliland ee ah inay ku wada noolaadaan sinaan iyo cadaalada, taas oo ka madhan gobolaysi iyo qabyaalada” ayuu Yidhi Cali Warancade.

 

Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Xubno kala duwan oo ka tirsan Xisbiga Wadani iyo Ururka Umada iyo Qaar ka mid ah Salaadiintii ka qayb galay Munaasibadaas.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa Mucaaridadiisa aanay u adkaysan Xukuumada Talada Haysa isagoo si cad u sheega Dhaliilaha dul hoganaya Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo waxaana laga filayaa in Xisbiga Wadani ee uu sida Tooska ah ugu biireen uu ka saari doono dhufayska u dhexeeya Mucaarid iyo Muxaafid laguna xanto inay Xukuumada ka mid yihiin,Inkastoo ay iska fogeeyaan.

Hargaysa SDN.

Comments are closed