Xisbiga wadani Laantiisa Uk oo kulan balaran la qatay Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad Axmed Muumin Seed iyo Xaruuntii Xisbiga ee Laanta Brent oo la ansaxiyey
London23Nov14(SDN/QJ)Kulan balaran oo ay isagu yimadeen xisbiga Wadani laantiisa Uk ayaa waxa ka qabsomay Galbeedka London ,kulan kan oo uu ka soo qayb galay Gudoomiyaha Kowaad ee Xisbiga Wadani Mudane Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha Xisbiga Wadani Marwo Yasmiin kulankan oo isku jira xogwaraysi xisbiga Uk laantiisa London oo dhamaan Lamaha Xisbiga ee London ka soo qayb galeen ugu Horayn waxa war baxin ka bixiyey dhismaha Xisbiga ee uk iyo Marxaladii uu soo samaray iyo isbadalka wayn iyo talaaboyinka horta leh uu ku talaabsanayo iyo Hiigsiga Doorashada . Gudoomiyaha Xisbiga wadani ee Uk Mujaahid Xasan Adan Cade aya waxa kale oo uu ka hadlay mudadii gabnayd ee uu hayey xilka iyo waxii u qabsoomay iyo laamaha xisbiga ee Uk oo uu dhawaan boqasho ku soo maray ,waxa kaloo ka hadlay kulankan oo ahaa mid u muhiim ah lamaha London oo warbaxino ka siyey Gudoomiye ku xigeenka Kowaad dhamaan lamaha u xisbiga Madaxdooda , waxa kale oo si rasmiya loo ansaxiiyey Laanta Brent ee Wemley o0 halkaa Gudoomiyaha Kowaad u ku ansaxiyey , waxa kale oo goobta hadlay Siyaasin aad u tiro badan oo dhawaan ku soo biirtay Xisbiga Wadani oo u Horeyey Xoghayahii Siyaasda ee Qarada Yurub ee xisbiga Ucid Mudane Siciid Xariir Diriiye oo si rasmiyia ugu soo biray Xisbiga Wadani waxana si gacmo furan ku soo dhaweyey Gudoomiyaha kowaad ee Xisbiga ugana mahad celiyey firfircoonida iyo hab dhaqanka wacan ee u ku soo kordhiyey Xisbiga wadani, waxa Kulankan si Niyad ku jirto iyo karti iyo mudnaan lagu soo dhaweyey Abwaanka Qarniga Siciid Ilko Jiir oo ku soo biiray Xisbiga Wadani taas oo Farxad ku dhalisay Laamaha Uk taas oo noonaysa Guul u soo Hoyatay Xisbiga Wadani,Gabagabadii waxa ka hadlay Gudomiyaha Kowaad ee Xisbiga Wadani Mudane Axmed Muumin oo dhankiisa ka waramay Xaalada Dalku Marayo soona dhaweyey Khilaafkii soo afjarmay ee goolaha wakiilada dhexyaley ,gudoomiyaha waxa kale oo uga mahad celeyey Tageerayasha xisbiga ee laanta uk soo dhawaynta balaran iyo wabaxinta xiisaha leh ee ay u soo gudbiyeen waxana wano iyo talo iyo mahad naq u soo jeediiyey dhamaann Xubnaha Uk.
halkan ka daawo gudoomiye kowaad Mudane Axmed Muumin Seed
Xafiiska wararka qurbejoog London