|

Xisbiga UCID:‘Waxaanu leenahay Dawlada uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Waanu garanay ula jeedada aad ka lahaydeen Wadahadaladii inoo socday’

 

Hargeysa May 21,2013(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID EE Jamhuuriyada Somaliland ayaa war saxaafada loogu talo galay oo uu maanta soo saaray ku canbaareeyay hadalo dhawaan ka soo yeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Qoraalka UCID oo uu ku saxeexan yahay ku-xigeenka Xoghayaha ee Arrimaha Guddaha Md Xuseen Xasan Badmaax ayaa sidan u qoraa;”

Xisbiga caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxa uu u taaganyahay ilaalinta jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, fulinta go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Waxa aanu si aad ah u cambaaraynaynaa fara-gelinta iyo xad-gudubka siyaasadeed ee joogtada ah ee ay dawlada Somaliya ku hayso Jamhuuriyada Somaliland.

Hadalka ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliya waxa uu muujinaya khiyaamada ay dawlada uu ka tirsanyahay kula jirtay qodobadii ka soo baxay shirkii Ankara, waxaanu leenahay dawlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh waanu garanay ula jeedada aad ka lahaydeen wadahadaladii inoo socday inaad midnimo muusaysan hoosta ka wadeen.

Waxa aanu leenahay joojiya riyada aad ku jirtaan, kuna laabta xaqiiqada ah inay dalka iyo hawada Jamhuuriyada Somaliland midna aanay ka mid ahayn Somaliya, nahayna laba dal oo jaar ah.

Xuseen Xasan Badmaax

Ku-xigeenka arrimaha gudaha

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka (UCID)

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed