Xisbiga UCID “Wasaaradda Duulista Waxa Laga Dhisay Meel Ku Habboon”
Hargeysa Nov 08,2014(SDN/QJ)-Xoghayaha xiriirka Gobolada iyo Degmooyinka ee xisbiga UCID Md Cabdiqani Ibraahim Salaf (Kabtanka) ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeeray Siciid Sulub oo ka tirsan xisbiga Wadani.
Siciid Sulub ayaa dhawaan dhaliilay goaankii wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland uu xarunta wasaaradaasi uGu soo wareejiyay degaanka Koonfurta Hargeysa.
Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee Somaliland Siciid Sulub ayaa sheegay in hadii Wadani talada dalka ku guuleysto in ay wasaarada halkaa ka rari doonaan, Jawaabta Mr Kabtanka ayaa sidan u dhigneyd:
“Wasaaradda Duulista iyo Hawada Waxa Laga dhisay Meel ku Haboon, waayo Waxay Wasaarad u tahay Airportyada Sidaa Darteed Waxaa Laga dhisay Meel u dhow Airportkii Caasimadda.Haddaba Hadalka Siciid Sulub Wax Ka soo Qaad Malaha, Waayo Waligiiba Waxaan Looba Fadhiyin ayuu Ku hadli Jiray.
Horuu u yidhi Siciid Sulub Markuu Xasaanada Wasiirnimo Hayay Madaxweyne Siilaanyo Ma noqon Doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Waayo uma qalmo. Siduu Hadalkaasi Faashilka iyo Bilaa Naxwaha u ahaa ayuun buu Hadalkan Maantuna La mid yahay.Siciid Sulub Markuu Leeyahay Wasaaradda Duulista Hadaanu Qabsano Dalka Waanu Ka raraynaa Masalaha iyo Airportka agtiisa Wax Macno Wayn oo uu Ku sababeeyey Ma jirto.
Waxaan u arkaa hadalka Siciid Hadal Bilaa Macno Ah oo aan waxba Soo Kordhinayn, nin wayn oo iska hadlayna waa geed qolofi ka dhacday, horayso iyo danbaysana Siciid Sulub waxba laga waydiin maayo Airportyada Dalka marnaba.Ugu Danbayntii Waxaan Leeyahay Siciid Sulub Nin waynbaad Tahaye hadalkaagu Yuu noqon Dhuuso Geel Mana urto Mana Baaqato ee Macno u yeel waligaa Hadalkaaga.”
SDN/QJ-Hargeysa