Xisbiga Ucid oo Wax aan la Aqbali karin ku Tilmaamay Dhacdadii Jeelka Hargaysa Dawladana ka dalbaday inay War cad ka bixiso
Hargaysa 21.April 2014 (SDN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay war cad ka siiso bulshada reer Somaliland dhacdadii jeelka weyn ee Hargeysa ee ay maxaabiistu ku baxsatay isla markaana hal askari ku dhintay laba kalena ku dhaawacmeen.
Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga UCID Marwo Faadumo Siciid oo maanta ka hadashay dhacdada jeelka weyn ee Hargeysa,ayaa sheegtay inaanay suura gal ahayn in Xabsiga weyn ee Hargeysa Maxaabiistu si fudud uga baxsadaan iyadoo ku sababaysay qaab dhismeedka loo dib loogu dhisay oo ay sheegtay Marwo Faadumo Siciid inay qorshaha dhismihiisa markii la qorshaynayay ay siweyn uga taxadareen in tan oo kale ay dhacdo iyadoo xilligaa ahayd masuulkii ugu sarreeyay Xafiiska UNDP ee Hargeysa.
Waxaanay intaa ku dartay in nashqada dib loogu dhisay laga keenay dibadda oo qaab casri ah loo dhisay isl markaana uu leeyahay xadad la iskama gudbaan ah oo loogu talo galay,gaar ahaan maxaabiista iyo dadka soo booqda in gidaar u dhexeeyo iskana arkaan oo kaliya daaqad aan waxba la iskaga dhiibi Karin.
Waxaa kaloo ay sheegtay in ay Askartuna marka ay Maxaabiista u gelayaan ay sii maraan meel gaar ah oo ay hubkooda dhigtaan isla markaana lagu baadho.
Waxaanay ugu baaqday Xukuumadda in arrintaa si weyn loo baadho oo xaqiiqo ah dadweynahana loo soo bandhigo baadhis rasmi ah oo lagu qanco.
“Wax la aqbali karo maaha in la yidhaahdo waxaa masuuliyaddaa lahaa Askari yar oo miskiin ah oo aan geysan Karin waana wax laga xishoodo in dambiga intaa leeg in askari yar uun dusha loo saaro laakiin wauxuu waajibku yahay in baadhis dhamaystiran in lagu sameeyo cidda ku lug lahayd dhacdadan oo noqon karta saraakiil sar sare”
Marwo Faadumo Siciid oo la weydiiyay miyaanay wax dhici kara ahayn in maxaabiistu ay isku daydo inay baxsato sida ka dhacda Jeelasha Caalamka,ayaa ku jawaabtay.
“Si qudha ayay u dhici kartaa oo waxay taasina ku iman kartaa markay saraakiil ka tirsan ciidanka Xabsigu ku lug leeyihiin,una fududaynayaan sidii ay Maxaabiistu u baxsan lahaayeen.”
Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda,ayaa looga fadhiyaa inay wax ka barato dhacdada jeelka Hargeysa shalay ka dhacday iyo hubka u gudbay Maxaabiista dambiyada waaweyn u xidhan.
Hargaysa SDN.
Contact@qurbejoog.com