|

Xisbiga UCID oo talaabo Dimoqraadiyadda Somaliland iyo ta KULMIYE dhaawacaysa ku tilmaamay habkii loola dhaqmay Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

Hargeysa 16, April 2012 (Qurbejoog.com)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa cambaareeyay habkii loola dhaqmay guddoomiye kuxigeenkii xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo shalay xoog lagaga saaray shirweynihii golaha Dhexe ee xisbigaas, xilkaga kagaga xayuubiyay.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray kusimaha guddoomiyaha UCID Mr. Aaden Jaamac Hoori, waxa uu xisbiga UCID sheegay in talaabadaasi dhaawacayso dimoqraadiyadda Somaliland iyo ta xisbiga Kulmiye, isla markaana aan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir shirka Golaha Dhexe lagaga qaadi karin xilka, maadaama Shirweyne xisbi lagu doortay, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, wuxuu cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay kalfadhigii saddexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaasoo lagula kacay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Md, C/raxmaan C/qaadir.

Run ahaantii haddii abaal lagudayo wuxuu ahaa nin u soo halgamay Xisbiga KULMIYE iyo jiritaanka Somalilandba, una huray naftiisa iyo hantidiisaba, hasayeeshee loogu abaal guday ka xayuubin xilkii uu ka hayay hogaanka sare ee Xisbiga.

Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in masuulkan Shirweyne lagu doortay isla markaa Shirweynana lagaga qaadi karo Xilka, arintani waxay dhaawacaysaa Dimuqraadiyada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo ta Somalilandba.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

Editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed